Tababbar ku saabsan “Midaynta Habdhigaalka Af Soomaaliga” ayna soo qabanqaabisay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa maanta oo ku beegan 25/1/2025, waxaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka ee magaalada Muqdisho.

Tababbarkaasi oo loogu talaggalay kor u qaadida aqoonta dhallinyarada jecel horumarinta afka iyo hal-abuurkiisa aqooneed, ayaa waxaa ka faa’iidaystay in ka badan konton dhallinyaro oo ka socday naadiga akhriska iyo qoraalka ee Qalinqoyan.

Guddoomiyaha naadiga akhriska iyo qoraalka Qalinqoyan Md, Ismaaciil Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dhallinyarada naadigiisa loo qabto tababbar ku aaddan “Midaynta Habdhigaalka Af Soomaaliga”, wuxuuna caddeeyay Akademiyada AGA inuu uga mahadnaqayo qabashada tababbarkaasi, isagoo dhallinyarada naadigiisa kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan aqoonta ay halkaasi ku qaadanayaan.

Agaasimaha waxbarashada Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Macallin Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo ku hadlayay magaca Akademiyada ayaa halkaasi ka sheegay inuu dhallinyarada naadiga Qalinqoyan uu ku soo dhaweynayo xarunta AGA, wuxuuna iftiimiyay inay Akademiyada ka go’an tahay tababbarsiinta qaybaha kala duwan ee bushada Soomaaliyeed, isagoo dhallinyaradaasi ku guubaabiyay inay hiil u noqdaan af Soomaaliga.

Intaasi kaddib, waxa codbaahiyaha lagu soo wareejiyay Guddoomiye Sharafeedka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo ahaa macallinkii bixinayay tababbarkaasi, wuxuuna dhallinyaradaasi u faahfaahiyay casharkii uu ugu talaggalay ee ku saabnanaa “Midaynta Habdhigaalka Af Soomaaliga”.

Qaar ka mid ah ka qaybgalayaashii tababbarkaasi ayaa halkaasi su’aallo ku weydiiyay macallinkii tababbarka bixinayay, iyadoo su’aalahaasina looga jawaabay.

Ugu dambayntii, waxaa tababbarkaasi soo gunaanaday madaxa xiriirka naadiga Qalinqoyan Md, Cali Cabdi Muxyadiin (Jabyare) oo sheegay inuu AGA uga mahadnaqayo tababbarka ay u qabteen, isagoo ballanqaaday  aqoontii ay  halkaasi ku qaateen inay gaarsiin doonaan dhallinyarada kale ee aan fursadaasi oo kale helin.