Kulanaqooneed aad u qiima badan oo looga hadlayay “Qiimaha Af Soomaaliga iyo Xaaladdiisa Maanta.”ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahanno, qorayaal, xeeldheerayaal afeed iyo bahda akhriska iyo qoraalka ee magaalada Kismaanyo ayaa 30/7/2026, waxaa lagu qabtay magaalada Kismaanyo ee maamulgoboleedka Jubbaland.

Kulanaqoneedkaasi oo qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo aqoonta iyo wacyiga la xiriira af Soomaaliga ayaa si wadajir ah, waxaa u soo qabanqaabiyay naadiga Ogaal, madasha Tusmo iyo guddoonka Midowga Naadiyada Akhriska ee Jubbaland.

Mowduuca looga hadlayay kulanaaqooneedkaasi ayaa waxaa soo jeedinayay madaxa waaxda Naxwaha ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo kaqeybgalayaasha la wadaagay aqoon, waaya-aragnimo iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta, horumarinta iyo cilmiyaynta af Soomaaliga.

Kasoo qeybgalayaashii kulanaqooneedkaasi ayaa si firfircoon waxay uga qeybqaateen doodihii iyo isdhaafsiga aragtiyaha ee ku saabsanaa qiimaha af Soomaaliga, kaalinta uu ku leeyahay bulshada iyo xaaladda uu  maanta ku sugan yahay.

Kulanaqooneedkaasi oo aad u xiisa badnaa ayaa ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan.