Xalay oo ku beegnayd 19-12-2020 Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxay ku guulaysatey qabashada Madasha AGA Disembar oo lagu beegay xuska 100-guurada gunaanadkii halganka Daraawiishta, kaasoo ku soo gabagaboobay geeridii hoggaamiyihii halgankaas, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ku beegnayd 21 Disembar 1920. Xusuustaas awgeed, mowduuca madashan waxaa laga dhigay, 100 SANO KA DIB HALGANKII DARAAWIISHTA: MILICSIGA HAL-ABUURKII SAYIDKA IYO HUB-KA-DHIGASHADIISII SUUGAANTA.
Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan-aragga (ZOOM) ayaa waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno, suugaanyahanno, abwaanno, jilayaal, qorayaal, xeeldheereyaal aqoondheer u leh taariikhda halgankii daraawiishta iyo suugaantii sayidka iyo boqollaal kale oo kala joogey daafaha dunida.
Ugu horrayn waxaa kulanka iyo ujeedkiisa faahfaahin ka bixiyey, Bare Sare Mustafa Cabdullaahi Fayruus oo ah Kaaliyaha Sare ee Guddoomiyaha AGA. Asagoo ku hadlayey magaca Akadeemiyada ayuu kulanka ku furay Kalmad isugu jirtey soo dhaweyn iyo iftiimin ujeedka madasha iyo sababta loo doortay mowduuceedan.
Kadib waxaa hadalkii lagu wareejiyey xeeldheereyaashii soo darsey mowduuca Madasha, kuwaasoo kala ahaa Macallin Siciid Saalax oo Maraykanka jooga, qoraa sare Dr. Maxamed Daahir Afrax (Muqdisho), qoraa sare Axmed Faarax Cali Idaajaa (Nayroobi), Abwaan Xaashi Cabdillaahi Orrax (Jabuuti), Marwo Firdowsa Caamir (ka mid ah durriyaddii Sayidka) oo London joogta iyo abwaan Ismaaciil Aw aadan “Jaajuumow” (Hargeysa). Suxufi Burhaan Axmed Daahir oo madasha ka daadihinayey Garoowe, ayaa ugu horreyn wuxuu hadalka siiyey Macallin Siciid Saalax oo xog-warran gogoldhig ah ka bixiyey guud ahaan taariikhdii Daraawiishta iyo kaalintii weyneyd ee suugaanta Sayidku kaga jirtey halgankii halyey Maxamed Cabdille xasan.
Waxaa ku xigey abwaan Xaashi Cabdillaahi Orrax oo ku taagtaagsaday sida daraawiishi ay baalasha buugaagta dunida ugu qortay taariikhda Soomaalida, waxa uuna soo jeediyay sida ay muhiim u tahay in la diiwaangaliyo taariikhdaas iyo in la wayneeyo halyeeyadii Daraawiishta oo uu hormuud u ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Soo jeediyaha ku xigey wuxuu ahaa qoraa sare Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo ah kaydiye iyo uruuriye si birlabnimo ah ugu dhiirrada raadraaca dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed gaar ahaan gabayadii Daraawiishta oo uu xalay iftiimiyey sida ay baal-dahab ah uga galeen taariikhda Soomaalida.
Marwo Fardowso Caamir ayaa iyana sharraxaad dheer ka bixisay qiimaha taariikhda iyo sida dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay xusuustaan halyeeyadooda una qiraan wixii ay ummadda u tareen.
Ka qaybgalayaashii madashu waxay aad ugu diirsadeen abwaan Ismaaciil Aw Aadan oo soo jeedintiisa ku qurxiyey ku luuqaynta tixo uu ka
soo xushay gabayadii qiirada badnaa ee Sayidka, kuwaasoo uu ku soo jeediyey isla luuqdii Sayidku caanka ku ahaa.
Ugu dambayntii Dr. Maxamed Daahir Afrax,Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo ah cilmi-baare suugaaneed ayaa si cilmiyaysan u iftiimiyey astaamihii u gaarka ahaa maansada Sayid Maxamed iyo wax badan oo Sayidku ku soo kordhiyey afka Soomaalida iyo suugaantiisa. Wuxuu tusaalayaal la taaban karo kabixiyey qodobbadii sayidku soo kordhiyey qaybo ka mid ah.
Sidii caadada u ahayd madasha AGA, kulan-cilmiyeedkii xalay qaybta ugu dambaysaa waxay ahayd su’aalo iyo aragtiyo badan oo ay madasha ka dhiibteen bulshaweyntii kaga soo qaybgashay aaladda ZOOM iyo baraha bulshada, sida facebook live oo ay kala socdeen daafaha dunida.
Madal-aqooneeddan oo ah mid ay Akadeemiye-Goboleedku bil kasta qabanqaabiso ayaa waxa ay qayb ka tahay waxqabadyada AGA ku hirgaliso himiladeeda ah “Hiilka Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa”.