Masuuliyiin ka socday Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir ayaa shalay oo ku beegneyd 5/11/2019 waxa ay Shahaadooyin guddoonsiiyeen arday Soomaaliyeed oo dhamaysatay tababbar ku saabsanaa Qoraal Curinta Toolmoon.
Munaasabad kooban oo lagu maamuusayay bixinta shahaadooyinkaasi ayaa waxaa ka hadlay Madaxa Tababbarada Akadeemiye-Goboleedka Bare C/llaahi Sheikh Aadan (Gacanka) iyo Guddoomiyaha Naadiga Banaadir Khadar Cabdi C/llaahi, waxayna sheegeen inay ardaydaasi ugu hambalyeynayaan sida ay uga faa’iideysteen tababbarkaasi loogu deeqay, iyaga oo kula dar-daarmay aqoontii la siiyay inay gaarsiiyaan wallalahooda kale ee aan fursaddaasi helin.
Tababbarkaasi oo socday muddo laba maalin ah ayaa waxaa macallimiin ka ahaa Bare Sare Mustafa C/llaahi Feyruus iyo Bare C/llaahi Sheikh {Gacanka}, waxaana tababbarkaasi lagu baranayay arimo ay ka mid ahaayeen: -Qoraal Curinta Toolmoon iyo -Abuurista Sheeko Fanneeda.
Qaar ka mid ah ka qeyb-galayaashii tababbarkaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin tababbarka la siiyay , waxayna u mahad-celiyeen Akadeemiyada AGA iyo Naadiga Banaadir oo iska kaashadey qabashada tababbarkaasi.














