Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo ah xarun aqooneed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed ayaa ugu hambalyeeysay guud ahaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ee 1443 ee Hijiriyada islaamka.

War saxaafadeed ka soo baxay Akadeemiyada AGA ayaa lagu iftiimiyay kheyrka iyo fadliga ay leedahay bisha Ramadaan, waxaana war saxaafadeedkaasi Alle looga baryay in uu naxariis iyo nimco ku manneysto shacbiga Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxa ay dadka Soomaaliyeed ku guubaabisay in ay is-cafiyaan oo ay u kaalmeeyaan walaalahooda dan-yarta ah, maadaama ay jiraan dad badan oo tabar yar ah, una baahan in la caawiyo.