Madal aqooneed aad u qurux badan oo loogu tala-galay sidii ardayda Jaamacadda Kismaanyo loo siin lahaa daraasad cilmiyeed ku saabsan afka iyo hal-abuurkiisa ayaa 13/2/2019, waxaa lagu qabtay magaalada Kismaanyo oo ah xarunta Maamul-goboleedka Jubbaland.
Furitaankii madashaas ayaa hadal uu halkaas ka soo jeediyay Wasiirka Madaxtooyada Md, Xersi Gaani waxa uu sheegay Akadeemiye-Goboleedka Aga iyo Dr. Maxamed Daahir inuu ku ammaanayo dadaalka ay ugu jiraan hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa, waxaana uu carrabka ku dhuftay ka maamul ahaan inay taageerayaan horumarinta afka iyo dhaqanka oo ay horseed ka tahay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Hadal jeedintaasi Wasiirka kadib waxaa halkaasi ka bilowday daraasaddii uu ardayda siinayay Guddoomiyaha AGA, Dr Maxamed Daahir Afrax, oo halku dhiggeedu uu ahaa “Suugaanta Soomaalida, waxa ay tahay, waxa ay tarto iyo waaxyaha ay ka kooban tahay”.
Dr. Afrax oo ah khabiir ku taqasusay afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida ayaa qodob-qodob ardaydaas ugu sharaxay suugaanta iyo waxtarkeeda, waxaana uu caddeeyay inay Soomaalidu leedahay suugaan fac weyn oo lagu faani karo, isaga oo ardaydaas ku guubaabiyay inay xil gaar ah iska saarraan barashada suugaanta iyo qeybaheeda kala duwan.
Ardaydii daraasaddaas ka faa’iideysatay oo gaarayay in ka badan 100 arday ayaa si wanaagsan uga mahad-celiyay Macallinkii bixinayay darsigaasi oo ahaa Dr. Afarx, waxayna tibaaxeen inay si fiican u qaateen daraasad cilmiyeedkii la siiyay.
Madal aqooneedkaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa gacan iyo garab waxaa ka gaystay Madasha Maan-kulan, waxaana madashaas daadihinayay Guddoomiyaha Madasha Maan-kulan Mukhtaar Reexaani.
Hoolkii ay ka dhacaysay madashaas waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Kismaanyo, Maxamed Bile Xaashi, Cabdulqaadir Shiikh Xakam iyo xubno kale oo ka mid ah masuuliyiinta Jaamacadda Kismaanyo iyo Saynab Xaaji Axmed (Ugbaad) oo ah Xoghaynta Guud ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Aga.



















