Akadeemiye-Goboledka AfSoomaaliga (AGA) ayaa 24/12/2020 waxa ay Shahaado-sharafyo qiima badan iyo abaalmarinno kale oo dhaxal-gal ah ay guddoonsiiyay aqoonyahanno iyo hay’addo kala duwan, kuwaasi oo ku mutaystay dadaalkooda hagar la’aaneed oo ay had iyo goor la garab-taagnaayeen hiilka afka hooyo iyo Akadeemiyadiisa.
Aqoonyahannada la guddoonsiiyay Shahaadooyinkaas ayaa waxaa ka mid ahaa Danjire Axmed Ciise Cawad, oo safka hore kaga jira dadkii dadaalka noocaas ah sameeyey, waxayna Akadeemiyadu ku maamuustay shahaado-sharaf sare una aqoonsatay Safiir-sharafeedka AGA iyo AfSoomaaliga.
Sidoo kale, Abwaan Xaashi Cabdillaahi Orrax iyo Xaaji Ismaaciil Xuseen Taani – oo ah Guddoomiyaha SSPen – ayaa lagu maamuusay Billad-sharafeed ay ku mutaysteen dadaalka kor ku xusan.
Waxaa kaloo abaal-marinahaas lagu maamuusay Xildhibaan Khaalid Macow, Xaaji Xuseen Dhuubow, Marwo Jawaahir Baarqab, Marwo Dahabo Shiikh Maxamuud iyo hay’adaha kala ah Naadiga Hilin-hayaan, Golaha Abwaannada iyo Macaarif.
Bixinta shaahaadooyinkaasi ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen Xaflad ballaaran oo ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ku soo bandhigaysay waxqabadkii AGA ee sannadka 2020 oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

















