Xaflad lagu maamuusayay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo kaashanaysa Somali Pen iyo PSU ayaa 22/2/2020 waxaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe.
Munaasabaddii xafladdaasi oo si wanaagasan loo soo abaabulay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay, Wasiirro ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland, madax ka tirsan ururada bulshada, aqoonyahanno, abwaanno, masuulyiinta Akadeemiye-Goboleedka ee Puntland, dhallinyarada xiisaysa akhriska iyo qoraalka iyo marti sharaf kale.
Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Aqoonayahan Maxamed Sheikh (Af-guriye) oo furitaankii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay dadaalka hagar la’aaneed oo ay Akadeemiyada AGA ugu jirto daryeelka afka Soomaaliga, waxaana uu caddeeyay inay Akadeemiye-Goboleedku ka go’an tahay sidii ay hiil joogto ah ugu noqon laheyd nooleynta afka hooyo, isaga oo soo jeediyay in loo hawl-galo hannaankii la isaga kaashan lahaa illaalinta afka Soomaaliga.
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Md, Cabdullaahi Xuseen oo isna ka hadlay xafladdaasi ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, waxaana uu tibaaxay Puntland inay jeceshay sidii ay horseed uga noqon laheyd xoojinta afka Soomaaliga, isaga oo u mahad-celiyay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo isu xilsaartay daryeelka afka Soomalaiga.
“Afka Soomaaliga waa af qani ah hase yeshee xilliga la joogo waxa uu u baahan yahay laba kacleyn dib loogu nooleynayo, ka Wasiir-ahaan waxaan ku baaqayaa in Xafiisyada Dawladda looga shaqeeyo afka Soomaaliga, Dugsiyada Waxbarashadana lagu dhigto” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Xuseen oo ugu yeeray Ha’yadaha Puntland, Ganacsatada iyo NGO-yada in ay Boorarkooda xayeysiinta ku qoraan afka Soomaaliga, haddii kale la ganaaxi doono.
Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi ka hadlay maamulka Jaamacadda PSU iyo qaar ka mid ah Hormuudyada Kulliyaddaha Jaamacaddaasi, waxayna ku dheeraadeen muhiimada uu leeyahay afka hooyo, iyaga oo hoosta ka xariiqey inay qeyb hormuudnimo ka qaadanayaan daryeelka afka Soomaaliga.
Munaasabaddaas ka dhacday magaalada Garoowe ayaa qeyb waxa ay ka aheyd xafladdo badan oo Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ay ku xusaysay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, kuwaasi oo ka kala dhacaya wadanka gudahiisa iyo dibaddiisa.















