Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA ayaa xalay oo ku beegneyd 5/9/2021, waxa ay si milgo iyo sharaf leh u qabatay Madashii Billaha ahayd ee horumarinta afka-hooyo, taasi oo lagu gorfaynayay mowduuca hal ku dheggiisu uu yahay suugaanta koroonaha iyo xuska haldoorkii uu galaaftay.
Madashaasi oo lagu qabtay aaladda fogaan aragga ee Zoomka ayaa si qaas ah waxaa loogu faaqiday “Akhriska Suugaanta Laga Curiyay Safmarka Covid-19”, iyada oo sidoo kale isla madaashi lagu xasuusanayay haldoorkii uu galaaftay xanuunkaasi, taasi oo qayb ka ahayd bandhigga caalamiga ah ee “Worldwide reading for the dead pandemic, 5th Sep 2021”.
Madashan ayaa waxaa ka soo qayb-galay aqoonyahanno iyo xeeldheerayaal ku kala sugan daafaha caalamka.
Ugu horreyn waxaa madashaas iftiimin kooban ka bixiyay Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha AGA, asaga oo sheegay ujeedka guud ee laga leeyahay xuska loo samaynayo haldoorkii uu galaaftay Covid-19.
Martida waxaa ka mid ahaa masuuliin, abwaanno, qorayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay shanta tix ee ugu caansan suugaanta laga sameeyay caabuqa Covid-19.
Baashe Yuuuf oo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS, Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, Xil. Prof Maxamed Cumar Dhalxa, Guddoomiyaha Golaha Abwaannnada Abwaan Xirsi-dhuux Maxamed iyo Macallin Siciid Saalax Axmed oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiyada AGA ayaa halkaas ka soo jeediyay kalmadahooda.
Guddoomiye Baashe ayaa soo jeediyay Maanso uu ka sameeyay Covid-19, taasi oo ka mid ahayd maansooyinka ugu caansan ee la tiriyay.
Sidoo kale laashin Farey iyo abwaanno kale ayaa si farshaxannimo leh ugu luqeeyay maansadii ay ka sameeyeen safmarkan.
Xildhibaan. Maryan Cariif Qaasim oo ka mid ah madaxda AGA ayaa wacyigelin guud ka bixisay cudurkan iyo dhibtiisa, sidoo kale waxa ay madashaasi ka soo jeedisay buraanbur ay ka alliftay dhibaatada cudurkan, ayada oo ugu dambayn u ducaysay haldoorkii ku baxay.
Xildhibaan Dhalxa ayaa isna ka mid ahaa xeeldheerayaasha ka hadlay mowduucaan, waxana uu wax ka taabtay qaar ka mid ah suugaanta laga sameeyay Covid-19.
Madasha ayaa faataxo Alle-tuug ah loogu akhriyay dadkii uu galaaftay cudurkan, gaar ahaan bahdii hal-abuurka.
Ugu dambayn bare sare Siciid Saalax ayaa soo xiray madasha AGA ee bishan Sebtember, asaga oo xusay in AGA ay kaalin wayn ka qaadatay xuskan wayn ee caalamka oo dhan laga sameeyay.
W/Diyaariyay: Qalbi-taajir