Wafdigii ka socotey Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), oo maalmahan booqashada  ku joogey magaalada Kismaanyo, uuna hoggaaminayey Guddoomiyaha Akadeemiyada, Prof Maxamed Daahir  Afrax, ayaa maanta booqday dugsiyo ka mid ah kuwa ku yaalla Magaalo xeebeedka gobolka J/Hoose ee Kismaanyo oo ah magaalo-madaxda Jubballand.

Booqashadaasi waxay qayb ka ahayd barnaamijka “Sahanka Dugsiyada” kaas oo ka mid ah qorshe-hawleedka AGA ku tala-gashay sannadkan 2019 inay ku xoojiso wada-shaqaynta ay la leedahay bahda waxbarashada.

 Ujeedka booqashada dugsiyada,  oo ka soo ka bilaabantay kuwa caasimadda Muqdisho, waa in ardayda, macallimiinta iyo maamullada dugsiyada loo kuurgalo sida uu mid kasta ka yahay heerka tixgalinta ay siiyaan baridda iyo barashada Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa. Ujeedka labaadna waa in bahda waxbarashada lagu baraarujiyo qiimaha afkooda hooyo laguna boorriyo inay siiyaan tixgalinta uu mudan yahay.

Magaalada Kismaanyo dugsigii ugu horreeyey ee ay booqdeen Guddoomiye Afrax iyo wafdigiisu wuxuu ahaa dugsiga Maxamed Jaamac.

Guddoomiyaha Akadeemiye-goboleedka AfSoomaaliga, Dr. Maxamed Daahir Afrax, oo hadal xog-warran iyo dardaaran isugu jira ka jeediyey dugsigaas uu saakay booqday, ayaa ku nuux-nuuxsaday qiimaha waxbarashada iyo kaalinta bahda dugsiyada, Waxaana uu Dr Afrax ardayda Dugsiga Maxamed Jaamac u sheegay dugsigoodu in uu yahay goobtii ugu horreysey ee asagoo da’yar uu shaqo ka bilaabay, asagoo macallin ka noqday dugsigaas.

Booqashada dugsiyada waxaa looga gol-leeyahay ama ay ka qayb ka tahay ololaha horumarinta Afka Hooyo iyo hal-abuurkiisa, kaas oo ka mid ah tallaabooyinka Akadeemiyadu ku meel-marinayso hal-ku-dheggeeda ah “Hadafkayagu waa hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa”.