Munaasabad aad u ballaaran oo ay soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), looguna tala-galay bandhigga buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin, ayna ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka G/Banaadir, madax ka socotay Dawlad Goboleedka Hirshabeelle, Abwaanno, Qorayaal, Fannaaniin, ehelada afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, Saxafiyiin iyo dhallinyarada danaysa akhriska iyo qoraalka ayaa maanta oo ku beegan 4/9/2019 waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee wadanka Sweden aqoonyahan, barbaariye, Dr. Xuseen Maaxmed Cabdulle {Wadaad} oo ugu horeyntii ka hadlay munaasabaddaasi ayaa ka sheekeeyay nuxurka uu xambaarsan yahay buuggaasi, waxaana uu iftiimiyay luqadda lugu qoray Gaso, Ganuun iyo Gasiin inay tahay luqad sugaanaysan oo la moodo inay ka soo unkamayso Af-Soomaali hore oo dhumuc weyn, isaga oo hoosta ka xariiqay sheekadaasi inay tahay mid jiika cusub indhaha u furaysa.
“Gaso, Ganuun iyo Gasiin waa isku dhaf sheeko oo si hal-abuurnimo ah loo xardhay, Af-Soomaaliga ay ku qoran tahay waa mid hodan ah oo in badan oo ka mid ah ay ka sii baxayaan qaamuuska Af-Soomaaliga ee maanta lagu hadlo” ayuu yiri Dr. Xuseen Wadaad oo bulshada Soomaaaliyeed la wadaagay qoraha buugga Prof. Cali Jimcaale Axmed inuu buuggiisa u soo xushay ereyo asal ah oo intooda badan sii socda!
Hadal jeedintaasi kadib, waxaa loo gudbay falanqeynta buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin, waxaana gorfayntaasi ka qeyb qaadatay Dr. Xuseen Wadaad, C/llaahi Sheikh Cabdi {Gacanka} iyo Al ustaad Cabdulqaadir Jubba, waxaana faaqidaadaas hogaaminayay Al-ustaad Cabdi-naasir Yuusuf Macallin,
Guddoomiyaha Degmada Warshiikh Xasan Maxamed Xaaji Darafeey, Guddoomiyaha Dhallinyarada G/Banaadir C/kaafi Maxmuud Makaraan, Guddoomiyaha Madasha Kulmiye Cabdullaahi Mahdi, Madaxa Madsha Cawo Faadumo Rasmi, aqoonyahannad Farax Sheikh Cabdi-risaaq {Sadar} oo ku hadlaysay magaca bahda Laashin, Guddoomiyaha naadiga akhriska iyo qoraalka Banaadir Khaddar Cabdi C/llaahi, Abwaan Looyaan iyo maqaawiir kale oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin bandhigga fiican ee loo sameeyay buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin, waxayna bogaadiyeen qoraaga buuggaasi qiimaha badan Prof. Cali Jimaale Axmed.
Munaasabaddaas oo ku soo gaba-gabowday jawi aad u wanaagsan ayaa dadkii ka qeyb-galay waxay halkaasi ku iibsadeen nuqlo ka mid ah buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin.














