Tababbar ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir ayaa shalay oo ku beegneyd 4/11/2019 waxa uu si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.
Tababbarkaas oo ah mid uu heerkiisu aad u sarreeyo ayaa waxaa lagu baran doonaa Qoraal Curinta Toolmoon iyo Fanka Sheeko Curinta, waxaana uu socon doono muddo laba maalin ah, iyada oo ay ka faa’iidaysanayaan in ka badan Konton dhallinyaro ah oo ka kala socota naadiga Banaadir, Somalipen iyo da’ yar xiiseynaysa akhriska iyo qoraalka.
Munaasabaddii furitaanka tababbarkaas waxaa ka hadlay Madaxa Tababbarada Naadiga Banaadir Cabdi-wali Yuusuf Aadan iyo Bare Sare Axmed Nuur oo ka mid ah macallimiinta wax ka dhiga Jaamacaddaha wadanka, Masuulyiintaas ayaa ka warbixiyay muhiimada ay leeyihiin tababbarada ceynkaan oo kale ah, waxayna ka qeyb-galayaasha kula dar-daarmeen inay ka faa’iideystaan duruusta ay halkaasi ku qaadan doonaan.
Intaasi kadib waxaa bilowday casharadii ku saabsanaa tababbarka, waxaana bixinayay tababbarkaasi Bare Sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka tirsan madaxda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana uu ardaydaas la wadaagay casharo xiiso badan oo ku saabsanaa habka Qoraal Curinta Toolmoon.
Horey ayay Akadeemiyada AGA tababbaro noocaan oo kale ah ugu soo qabatay magaalooyinka Muqdisho, Kismaanyo, Garoowe iyo xarumo kale oo ku yaalo dalka gudahiisa.















