Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo kaashanaya Madasha Maan-kulan ayaa  Magaalada Kismaayo si wadajir ah ugu qabtay  xaflad uu heerkoodu aad u sarreeyay oo loogu tala galay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

Munaasabadda xuskaas oo lagu qabtay hotel Agan, ayaa Waxaa ka soo qaybgalay labada Gole ee Dowlad-Gobaleedka Jubbaland, bahda Jaamacadaha Magaalada Kismaayo Iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland  Cabdirisaaq Axmed Xandal iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dastuurka Jubbaland Axmed Sitiin oo ka hadlay goobta, ayaa ku dheeraday muhiimada uu Afkeennu leeyahay.

Munaasabaddaas oo si qurux badan loo soo agaasimay waxaa isna ka hadlay Wakiilka AGA ee Jubbaland Md, Xasan Maxamuud Qorane  oo  sheegay in loo bahan yahay in laga wada qayb qaato kobcinta iyo daryeelka  afkeenna hooyo, isaga oo intaa ku daray in dar-dar galinta afkeena iyo sara u qaadista tayadiisu ay tahay masuuliyad-wadareed Soomaalida wada saaran .

Dhanka kale, aqoonyahannadii ka hadlay xafladda, waxaa ka mid ahaa Abshir Colow, Agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland iyo Maxamed Xasan Siraad oo Jamacadda Kismaayo ka socday, oo iyaguna ka tariikheeyay  muhimadda uu leeyahay afkeenna hooyo iyo sida looga illaalin karo in uu dabar go’o ama ay u soo wajahdo halis, iyaga oo iftiimiyay sida uu afkeenu  hodon u yahay .

Intii bur-burka iyo Dowlad la,aanta dalka ka jirtay, dhanka Afka Soomaliga, waxaa ku yimid gaabsi aad u baahsan; waxaana jira dadaalo badan oo lagu doonayo in luuqadda dib loogu xoojiyo, nasiib wanaag waxaa dadaaladaas horseed ka ah  Akadeemiye-Goboleedka oo hadafkeedu yahay Horumarinta Afka hooyo iyo hal-abuurkiisa, taasi oo sannadkan si qurux badan ugu guuleysatay inay  Magaalada Kismaayo ku qabato xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo.