Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) oo ka mid ah jaamacadaha ugu caansan Geeska Afrika ayaa  maanta oo ku beegan 29/8/2021, waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan Iskaashi iyo Wada-shaqeyn (MoU), iyada oo munaasabaddii saxiixa heshiiskaasi uu ka dhacay xarunta Jaamacadda Ummadda ee magaalada Muqdisho.

Heshiiskaas taariikhiga ah, waxaa dhinaca Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) u saxiixay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax, halka uu Jaamacadda Umaddana uu u saxiixay Guddoomiyaha jaamacaddaasi Bare Sare Xasan Cumar Mahadallah.

Heshiiskaas laba geesoodka ah ayaa waxa uu ku qotomaa sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen horumarinta afka, dhaqanka, aqoon faafinta iyo hal-abuurka Soomaalida.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlay munaasabaddii saxiixa heshiiskaasi ayaa sheegay maanta in ay tahay maalin ku weyn bahda afka, dhaqanka iyo aqoon-faafinta, maadaama ay laba hay’adood oo hormuud ah ay kala saxiixanayaan heshiis iskaashi iyo wada shaqeyn. Waxaana uu iftiimiyay AGA iyo jaamacadda Ummadda heshiiskoodu in uu yahay mid wax badan ku soo kordhin doona aqoon-faafinta Soomaalida.

“Akadeemiye-Goboleedka AGA, waxa ay u xil-saaran tahay daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga, nasiib wanaag waxa badan ayay qabatay, waxaana ka xusi karnaa cilmi baarsita afka iyo hal-abuurkiisa, ku wacyi-galinta bulshada muhiimada uu afku leeyahay, adeegsiga af Soomaali sax ah, tababbar-siinta naadiyada akhriska iyo qoraalka iyo da’yarta kaleba” ayuu yiri Dr. Afrax oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu leeyahay afkeenna hooyo.

Guddoomiyaha Jaamacdda Ummadda Soomaaliyeed Bare Sare Xasan Cumar Mahadallah oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiskaasi taariikhiga ah , waxaana uu hoosta ka xarriiqay in uu heshiiskaasi faa’iido u noqon doono iskaashiga labadaasi hay’adood, isaga oo Guddoomiyaha AGA uga mahad-celiay dadaalkiisa ku aadan nooleynta iyo daryeelka afka Soomaaliga.

Sidoo kale, munaasbadaaasi waxaa ka hadlay labada xildhibaan ee kala ah Xildhibaan Khaalid Macow oo ka tirsan maqaawiirta AGA, kana mid ah macallimiinta jaamacadda Ummadda iyo Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin oo iyaduna ka mid ah asaasayaashii iyo maqaawiirta AGA, waxayna halkaasi ka sheegeen in ay ku faraxsan yihiin heshiiska ay kala saxiixden AGA iyo Jaamacadda Ummadda, iyaga oo dhanka kale ka hadlay qiimaha uu leeyahay afka hooyo.

Madaxdaasi ka hor, waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka  Jaamacdad Ummadda Dr. C/llaahi Shiikh Rashiid (Maki) oo ka sheekeeyay taariikha Jaamacadda Ummadda iyo dadaalkii loo soo galay dib u soo nooleynteeda.

 Mumaasabadaasi oo si qurux loo soo agaasimay ayaa waxa ay ku soo dhammaatay jawi aad u wanaagsan.