Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Jaamacadda Jabuuti oo ka mid ah jaamacaddaha ugu caansan Geeska Afrika ayaa 8/2/2021, waxa ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan Iskaashi iyo Wada-shaqeyn (MoU), iyada oo munaasabaddii saxiixa heshiiskaasi uu ka dhacay xarunta jaamacadda Jabuuti ee magaalada Jabuuti.

Heshiiskaas taariikhiga ah, waxaa dhinaca Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) u saxiixay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax, halka uu jaamacadda Jabuuti u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacaddaasi Dr. Jaamac Xasan Maxamed.

Heshiiskaas laba geesoodka ah ayaa waxa uu ku qotomaa sidii ay labada dhinac isaga-kaashan lahaayeen afka, dhaqanka, aqoon faafinta iyo hal-abuurka, iyada oo saxiixa heshiiskaasi uu ku soo beegmay xuska 20-guurada jaamacadda Jabuuti.