Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  ayaa Shahaado Sharaf uu heerkeedu  aad u sareeyo waxa  ay gudoonsiisay Madaxweynaha Jamhuuriayadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle, xilli ay dhawaan Akadeemiyadaas u dabaal-degaysay xuska shan sanno guuradii ka soo wareegtay dhalashadeeda.

Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlayay munaasabdii lagu bixinayay Shahaado sharaftaas ayaa caddeeyay  Madaxweyne Geelle  inuu shaaadadaas ku mutaystay dadaalkiisa hagar la’aaneed ee uu had iyo goor la garab  taagan yahay daryeelka iyo hiilka  afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa, waxaana uu ku cel-celiyay in Madaxweynaha Jabuuti uu yahay Ciiltire Akadeemiyada Aga ka mudan yahay shahaado iyo wax ka badan.

Isla munaasabadaas  waxay  Akdedeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  shahaadooyin kale ku gudoonsiisay Wakiilka Aga ee Waqooyiga Amerika Macallin Saciid Saalax Axmed,  Wakiilka K/Galbeed  Prof. Maxamed Cali Kalaay, Wakiilka laamaha Aga ee Qaaaradda Yurub Md, C/raxmaan Maxamed Abtidoon.

Sidoo kale waxaa halkaas iyaguna shahaadooyin lagu siiyay Xoghaynta Guud ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad), Ku-simaha Gudoomiyaha Golaha Abwaanada Xersi Dhuux Maxamed, Agaasimaha Warbaahinta C/llaahi Xasan, Prof. Cabdalla Mansuur oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiyada, Prof. C/qaadir Ruumi oo ah Wakiilka Akadeemiyada ee wadanka Ingiriiska iyo Iraad Cabdi Aadan oo ah halyey  had iyo goor jecel horumarinta afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.

Madaxda, aqoonyahanada iyo xubnaha loo gartay shahaadooyinka waa naftood-hurayaal u taagan   hiilka iyo horumarinta AfSoomaaliga, kaasi  oo ah hantida ugu qiime badan ee ay leedahay ummad-weynta Soomaaliyeed.