Xaflad baaxad weyn oo loogu tala-galay xuska shan sanno guuradii ka soo wareegtay dhalashadii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  ayaa maanta oo ku beegan 13-ka Agoosto 2018  waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladdaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay waxgarad fara badan oo ay ka mid yihiin madax sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka  Soomaaliya,  madaxda iyo  hawlwadeenka AGA oo isugu  jirey hawl-wadeenka xarunta dhexe iyo wufuud matalaysey lamaha Akadeemiyadu ku leedahay  magaalooyinka waa-weyn ee gayiga Soomaalida iyo  daafaha dunida.

Sidoo kale munaasabadaas qiimaha badan waxaa kaloo soo sharfay oo ka soo qeyb galay waxgarad fara badan oo ka kala socdey  qaybaha kala duwan ee bahda ku hawllan arrimaha afka iyo hal-abuurkiisa fan iyo suugaaneed, ayna ka mid yihiin Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, Naadiyada akhriska iyo qoraalka, xarumaha waxbarashada, Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed iyo qaar kaloo badan. Waxaa kaloo ka soo qayb galay dad matalayey ururrada bulshada  rayidka ah, haweenka, dhallinyarada iyo aqoonyahannada.

Khudbad uu munaasabaddaas ku iba-furay Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka  AfSoomaaliga, Prof. Maxamed Daahir Afrax wuxuu ku bilaabay mahadnaq uu ku bogaadiyey ciil-tirayaasha AfSoomaaliga iyo hal-abuurkiisa oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Isla arrintaas Guddoomiyuhu wuxuu ku bogaadiyey Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlammaanka Soomaaliya, Senotar Cabdi Xaashi, Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre iyo masuul walba oo gacan ka gaystay daryeelka afka hooyo  iyo taageerada AGA.

“Shan sanno waa  muddo aad u kooban, hase yeeshee Akadeemiyadaani mudadaas gaaban, oo waliba ay ku shaqaynaysey duruufo qallafsan, sida la’aanta xarun iyo agab shaqo, waxay ku guuleystay waxqabad fara badan oo ku wajahan meel-marinta himiladeeda ah ‘hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa’”ayuu yiri Prof. Afrax oo ka-qaybgalayaashii munaasabaddaas u iftiimiyey dhinacyo muhiim ah oo ka mid ah tariikhda AGA iyo sida naf-hurka iyo mutadawacnimada ah ee ay hoggaankeeda iyo hawl-wadeenkeedaba uga go’an tahay  inay naftooda u huraan horumarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa qiimaha leh.

Xafladaas quruxda badan waxaa  iyaguna hadallo dhaxal-gal ah iyo warbixino ka soo jeediyey wakiillada laamaha Akadeemiye-Gobleedka, sida wakiilka Waqooyiga Ameerika Macallin Siciid Saalax Axmed, Wakiilka K/Galbeed, Prof. Maxamed Cali “Kalay” iyo Wakiilka Puntland, aqoonyahan Maxamed Sh. Xasan. Mid kasta oo ka mid ah xeeldheereyaashaas wuxuu madasha la wadaagey guud ahaan arrimaha AfSoomaaliga, gaar ahaanna waxqabadka laanta uu masuulka ka yahay iyo gayiga ay ka hawlgasho.

Masuuliyiintii kale ee xafladda ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaanad Sahro Cumar  Maalin (oo mataleysey xildhibaannada), Abwaan   Xirsi-dhuux Maxamed (oo ka wakiil ahaa Golaha Abwaannada), Marwo Dahabo Sheikh Maxamuud (oo mataleysey Somali PEN), iyo Deeq Cabdullaahi oo ku hadlayayey magaca Naadiyada akhriska iyo qoraalka, kuwaas oo hormuud u ahaa dadkii madasha soo cammiray. Dadkaas dhammaantood waxay hambalyo u jeediyeen, taageero buuxdana u muujiyeen AGA iyo hoggaankeeda.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS, Senotar Cabdi Xaashi C/llaahi, oo soo gunaanadey munaasabdda, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu gacan weyn ka geysto xoojinta AfSoomaaliga, waxaana uu tibaaxay inuu Akadeemiye-Goboledka AfSoomaaliga iyo Guddoomiyeheedaba si weyn ugu bogaadinayo is xilqaanka iyo dadaalka weyn ee ay ugu jiraan  daryeelka afka hooyo, isagoo ugu hambalyeeyey Sannad-guurada shanaad.

Munaasabadaas baaxadda leh waxaa lagu soo bandhigay  filim ka tarjumayay  taariikhda iyo waxqabadka AGA; waxaa kaloo lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka hadlaysay qiimaha afka iyo hal-abuurkiisa.