Munaasabad loogu tala-galay daah-furka buugga Haldoor oo ka hadlaya taariikh-nololeedkii Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali, isla markaana lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Buugga iyo xuquuqda Fekerka, ayna soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Prof. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad qiima badan ku bilaabay furitaankii munaasabadaasi ayaa sheegay in ay munaasabaddu isugu jirto labba xafladood oo kala ah Daahfurka buugga Haldoor iyo u dabbaal-degga xuska 23ka Abriil, Wuxuuna sheegay in gardaadinta buuggaasi lagu soo beegay Maalintan adduun-weynuhu u caleema-saaray Maalinta Buugga iyo illaalinta xuquuqda fekerka.
Prof. Afrax oo ka hadlayay taariikh noloeedkii Danjire Shariif Saalax ayaa ku nuux-nuuxsadey in uu ahaa halyey u taagan hiilka afka hooyo, aqoon Faafinta iyo Horumarinta Dhaqanka, waxaana uu caddeeyay inay AGA horena u maamuustay siina maamuusi doonto asaga iyo maskax-maalka la midka ah ee ummadda ugu fadhiya qiimaha weyn.
Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlammaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo si rasmi ah u furay munaasabada ayaa si kooban uga hadlay qaybo ka mid ah tariikhdii Marxuumka, waxaana uu tibaaxay in uu ahaa Waddani ay ummaddiisu jeceshahay, isagoo intaasi ku daray si loogu abaal gudo aqoonyahankaas inay lagama maarmaan tahay in taariikhdiisii loo gudbiyo jiilalka soo koraya, si ay ugu daydaan.
Xildhibaan Shariif Maxamed C/llaahi Xuseen iyo Marwo Caasha Cabdi Diini oo ku hadlayay magaca ehelada Shariifka ayaa ka sheekeeyay waxqabadkiisii, sifooyinkiisii Hogaamineed, Qaranimo jacaylkiisii, fekeradihii uu aaminsanaa iyo sida uu ugu han-weynaa inuu arko Soomaaliya oo mar kale cagaheeda isku taagto, Dhanka kale waxay u mahad celiyeen Gudoomiyaha Akadeemiyada AGA, Prof. Afrax oo dadaal weyn galiyey soo saarista buuggaas.
Gudoomiyaha Guddiga Wrbaahinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Baarlamaanka Xildhibaan Khaalid Macow C/qaadir, Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin, Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Nuur Xuseen (Maax) oo ka mid ahaa qorayaasha buugga Haldoor, Mustafa C/laahi Feyruus oo ka tirsan masuuliyiinta AGA kana mid ah qorayaasha buugga Shariif Saalax, Md, C/laahi Maxamed Shirwac oo ku hadlayay magaca ururrada bulshada iyo Gudoomiyaha KMG ee Golaha Abwaanada Xirsi-Dhuux Maxamed ayaa iyaguna si kala gooni gooni ah uga hadlay qaybo ka mid ah nuxurka buugga Haldoor iyo waxqabadkii Shariif Saalax, waxaana ay caddeeyeen inuu ahaa halgamaa ku dayasho mudan, iyagoo hoosta ka xariiqay inuu Shariifku istaahilo in laga qoro buug iyo wax ka badan.
Buugga Haldoor oo u qoran hab-cilmiyeed casri ah ayaa waxa uu ka kooban yahay in ka badan Labba Boqol oo bog, waxaana uu ka hadlayaa tarriikh noloeedkii iyo dhaxal cilmiyedeedkii Shariif Saalax Maxamed Cali. Waxaana xusid mudan Haldoor in uu yahay buuggii labaad ee ‘Taxanaha Darsidda Afka iyo Suugaanta Soomaalida’ oo ka mid ah hawlgallada cilmiyeed ee Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).
![]()













