Kulan wada-tashi ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka socotay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo madax matalaysay Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka ayaa shalay oo ku beegneyd 20/3/2019 waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.
Bare Sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah Guddoonka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa ugu horeyntii sheegay inay Akadeemiyadu ku faraxsan tahay xiriirka soo jireenka ah iyo wada shaqeynta ay la leedahay Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka, waxaana uu Naadiyada uga mahad-celiyay shaqooyinkii ay Akadeemiyada la soo qabteen.
Bare Sare Mustafa C/llaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay kulankaasi in diiradda lagu saari doono Qiimeynta sannadkii la soo dhaafay, hannaankii looga Wada-tashan lahaa shaqooyinka 2019-ka iyo Baahiyaha ay qabaan Naadiyada ee ku aadan dhinacyada tababbarsiinta, la talinta iyo sidii looga taageeri lahaa gudashada hawlahooda, isaga oo caddeeyay inay Akadeemiyadu ka go’an tahay tixgalinta tallooyinka ay soo gudbiyaan Naadiyada.
Guddoomiyaha Naadiga Banaadir Khaddar Cabdi C/llaahi, Guddoomiyaha Naadiga Hillin-hayaan C/qaadir Axmed Jubba, Guddoomiyaha Naadiga Xamar Saciido Muxyadiin {Midnimo} iyo Wakiilo matalayay Naadiga Tusmo iyo Jiilul Amal oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wax badan ka faa’iideysteen tababbaradii ay Akadeemiyadu siisay sannadkii 2018 iyo kuwii ka sii horeeyay, iyaga oo soo jeediyay tallooyin ay ka mid ahaayeen:-
1-In la sameeyo Wacyi-galin xoog badan oo ku aadan afka Soomaaliga.
2- In tababbarada la baahiyo oo la gaarsiiyo da’ yarta cusub ee aan wali helin furasdihii hore iyo dhallinyarada ku sugan Gobalada wadanka.
3-In dib loo soo celiyo tababbaradii ku saabsanaa “Turxaan Bixinta Afka Soomaaliga” iyo midkii ku saabsanaa “Daleynta ama Astaameynta Qoraalka”.
4-In la qabto tababbaro cusub oo ku taxaluqa fahamsiinta Naxwaha afka Soomaaliga, Tifaftirka buuggaagta, Tallo siinta hannaanka ugu haboon ee wax loo qoro ama loo akhriyo .
5–In tababbarada la qaban doono lagu soo daro tababbaro ku saabsan dhanka Saxaafadda.
6- In casharada baxaya la duubo lana baahiyo, si loola wadaago da’ yarta daneysa akhriska iyo qoraalka ee ku nool dalka dibaddiisa iyo talloooyin kale oo xiiso badan.
Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo Naadiyada ayaa waxaa ka dhaxeeysa wada shaqeyn wanaagasan, waxaana dhaqan u ah inay sannad walba ka wada-tashtaan hawlaha ay wada qaban karaan labada dhinac.