Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxaa u buuxsamay shan sanno laga soo bilaabo maalintii Jabuuti lagu aasaasay oo ahayd 26 Juun 2013. Waa shan sanno oo Akadeemiye-Goboleedkii hore u ahayd fikradda iyo hiigsiga, fikradii loo tarjumay shaqo joogtaysan iyo hawlgallo mirodhal ah; hiigsigiise weli yahay halkiisii!
Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga aasaaskeedu wuxuu ka dhashay baraarug lagu baraarugay halis weyn oo ku soo fool yeelatay AfSoomaaliga. Halistan xooggeedu wuxuu ka dhashay burburkii Soomaaliya; Soomaaliya oo ahayd waddankii lagu rasmiyeeyey, laguna hirgaliyey qoraalka AfSoomaaliga, ahaydna waddanka keliya ee uu AfSoomaaligu u ahaa afka rasmiga ah ee qaranka – afka loo adeegsado waxbarashada, maamulka, iyo dhinacyada kale ee adeegga bulshada.
Waxaa intaa soo raaca in qiyaastii 1-2 Milyan oo Soomaali qurbajoog ah ay ku kala firdheen daafaha dunida. Ubadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay amaba ku koraya waxaa hubaal ah inuu luminayo afkiisii hooyo haddaan dadaal badbaadineed looga hortagin halistaas muuqata.
Ku darsoo, waxaan maraynaa qarnigii 21aad oo gacanta sare ay leeyihiin aaladaha teknoloojiyadda casriga ah, sida kombiyuutarka iyo internetka. Waxaan la hurayn lagana maarmayn in laga faa`iidaysto adeegyada kala duwan ee aaladahan cusub. Tanina hawl culus oo cilmiyaysan ayay u baahan tahay. Intaas oo is biirsaday ayaa keenay qayladhaan sannaddo soo socotay, inta badanna ay Jabuuti xarun u ahayd, oo Madaxweyneheeda, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, hiil weyn ka geystay, Naadiga PEN ee qalinleyda Soomaaliyeedna kaalin hormuudnimo ka galay. Gurmadkii qayladhaantaas ayay ka dhalatay Akadeemiya-Goboleedka AfSoomaaligu.
Fikraddii yagleelidda Akadeemiyadan waxay ka mid ahayd talooyin ka soo baxay shirar is dabajoog ah oo sannado kala duwan Naadiga PEN isugu keenay aqoonyahannada afka iyo hal-abuurkiisa; waxayna markii dambe si mug leh uga soo baxday shirweynihii 40guurada qoritaankii Far Soomaalida, FestSOM40, ee lagu qabtay Jabuuti Diisambar 2012. Shirwaynahan waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno iyo waxgarad badan, oo ay ka mid ahaayeen dhowr xubnood oo ka sii noolaa guddigii AfSoomaaliga ee 1972, kuwaas oo uu horkacayay guddoomiyahoodii, Shariif Saalax Maxamed Cali, ayna weheliyeen Xuseen Sh Axmed Kaddare, Aw Jaamac Cumar Ciise iyo qaar kale, intooda dhimatay Alle ha u wada naxariistee.
Murtidii shirweynuhu waxay ku soo ururtay in la yagleelo hay`ad cilmiyeed ama ‘AKADEEMIYAD’ hormuud u noqota daryeelka AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, kana dhexaysa ‘waddamada iyo gobollada’ Geeska Afrika ee Soomaalidu degto.
Lix bilood oo diyaargaraw iyo abaabul ahayd ka dib, waxaa 26/6/2013 Jabuuti lagu saxeexay heshiiskii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga lagu dhisay, ayna wada saxiixeen madax sare oo ka wakiil ah dawladaha iyo maamullada ka jira geyiga Soomaalida; oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo shirka martigeliyey, madaxweynihii Soomaaliya, Madaxweynihii Soomaaliland iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya.
Akadeemiya-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), oo ah xarun-aqooneed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta AfSoomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed, waa madal ka dhexaysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Muddadii shanta sanno ahayd ee ay jirtayna waxay qabatay hawlo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin; kuwaas oo ay ka mid yihiin abuuridda iyo hirgelinta ‘Taxanaha darsidda Afka iyoi Suugaanta Soomaalida’; diraasado iyo buugcilmiyeedyo.
Sidoo kale Akadeemiyadu waxay ku najaxday qabashada kulan-aqooneedyo iyo dodo cilmiyeed; Hirgelinta ‘Madasha AGA ee Horumarinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa; tababbarro ku aadan xirfadda qalinka iyo qoraalka toolmoon ee AfSoomaaliga; barnaamijka lafaguridda buugga; cilmibaadhista AfSoomaaliga iyo suugaantiisa; dhiirrigalinta, tababbaridda iyo hagidda da’yarta hibada leh; u ololaynta kobcinta adeegsiga iyo tayaynta afka hooyo; warbaahinta & wacyigelinta; dhisidda iyo hodonaynta degelka AGA ee internetka (www.aga.so) iyo baraha bulshada; iyo qaar kaloo badan.
Hawlahaasi waa kuwo ka duulaya halkudhegga Akadeemiyada oo ah ‘Hadafkayagu waa hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa’.
Akadeemiya-Goboleedka AfSoomaaligu (AGA) waa madal aqooneed ay si madax bannaan u maamulaan wadar ka kooban aqoonyahanno loo xulay ku xeeldheeridooda AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, kuna shaqeeya nafhur iyo mutadawacnimo, si ay ugu hiilliyaan AfSoomaaliga iyo aqoonta ku kaydsan, AfSoomaaliga oo ah hantida ugu qiimaha badan ee ay leedahay ummad-weynta Soomaaliyeed.
WARSIDAHA AGA














