Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  AGA ayaa 17/02/2018  la gudoonsiiyay Shahado Sharaf ay ku mutaysatay kaalinta ay Akadeemiyadu ka qaadato u hiillinta Afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Shahaado sharaftaan ayaa Akadeemiyada AGA  waxaa gudoonsiiyay Naadiga Aqriska iyo Qoraalka Banaadir oo ka mid ah naadiyada Soomaaliyeed ee ku hawlan horumarinta aqriska iyo qoraalka afka hooyo.

Bare Sare Mustafa C/laahi Feiruz  oo ka mid ah masuuliinta iyo xeel-dheerayaasha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa Shahaado sharaftaasi u gudoomay Akadeemiye-Goboleedka Afsoomaaliga AGA

Horey ayaa Shaadooyin iyo Bilado isugu jira heer Caalami, heer Gobol iyo  kuwa kalaba  waxaa loo gudoonsiiyay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA.