Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa 17-Agoosto 2018-ka waxa ay buuggaag ugu deeqday Makatabadaha Caddaado iyo Garbahaareey oo labaduba dhawaan albaabada loo furay.
Xoghaynta guud ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad) oo wakiil ka ah madaxda iyo hawl-wadeenka Akadeemiyada Aga ayaa buuggaagtaas gudoonsiisay masuulyiin ka socotay maktabadahaas.
Hadal kooban oo ay halkaasi ka soo jeedisay Xoghaynta guud ee Aga ayaa sheegtay inay Akadeemiyadu ku faraxsan tahay inay buuggaag u hibayso maktabadahaas curdunka ah, waxaana ay tilmaamtay inay Aga ka go’an tahay sidii ay u taageeri laheyd labadaas maktabadood.
Masuuliyiintii ka socday maktabadaha Cadaado iyo Garbahaarey oo iyaguna munaasabadaas ka hadlay ayaa caddeeyay inay soo dhaweynayaan buuggaagtaas loogu deeqay, iyagoo u mahad celiayay Akadeemiyada Aga oo buuggaagtaas u hibaysay.
Dhinaca kale Xoghaynta guud ee Aga Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad) waxa ay si gaar ah buugga Haldoor iyo nuqulo ka mid ah Warsidaha Aga u gudoonsiisay Dr. Morgan Nilson oo ka mid ahaa ajaaniibtii lagu casuumay bandhigii buuggaagta Muqdisho.















