Madaxda iyo xubnaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa bilaabay qaban-qaabada xuska sannad-guurada Shannaad ee Akadeemiyadaasi, shirar ku saabsan u diyaar garowga munaasabadaasi ayaa xilligaan si is-daba joog ah uga socda xarunta Aga ee magaalada Muqdisho.

Barre Sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah masuuliyiinta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay sidii hannaan sare loogu xusi lahaa Shan sanno guurada Aga, waxaana uu carrabka ku dhuftay weyneynta munaasabdaasi darteed in loo magacaabay Guddiyo kala duwan oo hawshoodu ay tahay diyaarinta xuskaasi.

Xubno ka mid ah hawl-wadeenada Aga oo iyguna halkaasi ka hadlay ayaa soo bandhigay tallooyin ku saabsan qaabka ugu wanaagsan ee loo qaban karo xuskaas, iyaga oo balan-qaaday inay wax walba ka hormarin doonaan sidii loogu guuleysan lahaa munaasabadaasi.

Xuska Shan sanno guurada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo sannadkaan si balaaran loo qaban-qaabinayo ayaa loogu tala galay inuu xuskaasi noqdo mid u qalma oo ka tarjumi kara Shan Gu’ jirsiga Akadeemiyadaas.