Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa guud ahaan ummaddaha islaamka gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay ugu hambalyaysay dhalashada sannadka cusub ee Hijriyada islaamka ee 1440-ka.

War saxaafaddeed ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Akadeemiyada  Aga ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay  inay Aga muslimiinta caalamka oo dhan ay u rajaynayso in sannadkaan kiisa kale ay ku gaaraan nabad,  kheyr, caafimaad iyo horumar.

Sidoo kale qoraalkaas  ayaa lagu sheegay inay Akadeemiyadu ku faraxsan tahay oo ay soo dhaweynayso dhalashada sannadkaas  cusub ee u bishay ummaddaha islaamka.

Sannadaka Hijriyada ayaa ka mid ah sannaddaha ay ku xisaabtamaan shucuubta caalamka, waxaana uu sannadkani leeyahay Kalandar u gaar ah oo inta badan laga isticmaalo dunida muslimka ah.