Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  oo ah xarun aqooneed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed ayaa sannadkaan si sharaf leh uga qeyb galaysa Toddobaadka Dhaqanka, Afka iyo Fanka  Soomaalida (Milan Somali Week) oo Ka dhacayo magaalada Milano ee wadanka Talyaaniga.

Dr. Cabdulqaadir Ruumi oo ka mid ah madaxda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa haatan gaaray magaalada Milaano si uu uga qeyb-galo barnanamijkaas la yiraahdo “Toddobaadka Soomaalida” ee  ka furmayo wadanka Talyaaniga.

Dr. Ruumi ayaa magaalada Milaano waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay madax ka socotay Ururka Shukran, waxaana qorshuhu uu yahay muddada uu halkaasi joogo inuu ku soo bandhiggo warbixin la xiriirta qoraalka farta Soomaaliga  iyo dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ugu jirto hiilka afka Soomaaliga. iyo Hal- aburkiisa

 Barnaamijka Toddobaadka Soomaalida oo ah barnaamij sannadle ah ayaa sannad kasta waxaa lagu soo ban-dhigaa barnaamijyo la xiriira dhaqanka, luqadda, cuntada iyo fanka Soomaalida.