Kulan gaar ah oo loogu diyaar garoobayay sida ugu haboon ee loo qaban karo madashii AGA ee horumarinta Afka Soomaaliga iyo Hal abuurkiisa, ayna ka soo qeyb galeen madaxda iyo xubnaha Akadeemiyadaasi ayaa 25-kii Maarso 2018 lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Akadeemiye-Gobokledka AfSoomaaliga AGA Prof. Maxamed Daahir Afrax oo kulankaasi shir gudoominayay ayaa ka warbixiyay sida ugu wanaagsan ee loo qaban karo madashaasi, waxaana uu caddeeyay madasha la qabanayo 28-ka Maarso in si gaar ah diirada loogu saari doono lafa gurka buugga Habeen-eersi, isagoo intaasi raaciyay inuu rajaynayo in madashaasi wax badan laga kororsan doono.
“ujeeddada loo qabanyo gorfaynta buugga waa sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee leh hibada qoraalka loogu sameyn lahaa Dhiiri galin iyo Jiheyn ku saabsan dhanka qurxinta qoraaladooda” ayuu yiri Gudoomiyaha AGA oo intaasi raaciyay inay Akadeemiyadu u furan tahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo jecel inuu ka qeyb qaato daryeelka iyo nooleynta afka Soomaaliga iyo Hal-abuurkiisa.
28-ka bisha aynu ku jirno ee Maarso ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto madal si gaar ah loogu lafa guri doono buugga la magac baxay Habeen-eersi, buuggaasi oo ay qortay gabar da’ yar ayaa horey waxaa loogu soo bandhigay Magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Boosaaso, Hargaysa iyo meelo kale.















