Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa shalay oo ku beegneyd 19/10/2022, waxa ay tababbar gaaban oo ku saabsanaa qoraal curinta toolmoon ee sheekooyinka ay u qabatay ardayda kulliyadda afafka ee jaamacadda Green Hope, gaar ahaan fasalka af Soomaaliga iyo suugaantiisa ee jaamacadaas.

Tababbarkaasi oo lagu qabtay xarunta Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay agaasimaha arimaha bulshada iyo agaasimaha tababbarada AGA, Najmo Shiikh Maxamuud iyo Macallin C/llaahi Shiikh Aadan (Gacanka), waxaana ay ka warbixiyeen dadaalka ay Akadeemiyadu ugu jirto tababbar siinta qeybaha kala duwan ee bulshada, iyaga oo soo dhaweeyay ardayda jaamacadda Green Hope ee tababbarkaasi ka faa’iidaysanay.

Agaasimaha warbaahinta G/Banaadir C/naasir Xirsi Iidle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu AGA uga mahadnaqayo tababbarkaasi ay bixinayso, waxaana uu ardayda jaamacadaas uu kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababbarkaas qiimaha badan.

Maamulaha jaamacadda Green Hope Prof. Mustaf Macallin Cabdulle oo si rasmi ah u furey tababbarkaasi ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay tababbarkaasi ay qaadanayaan ardayda kulliyadda afafka ee jaamacadooda, waxaana uu bogaadiyay Akadeemiye Goboleedka oo soo agaasintay tababbarkaasi.

Intaasi kadib, waxaa cod baahiyaha lagu wareejiyay Macallin C/llaahi Gacanka oo ahaa Macallinkii  bixinayay casharka, isaga oo si ballaaran ardayda uga dharjiyay cilmigii uu xambaarsanaa tababbarkaasi.

Tababbarkaas ayaa ka mid ahaa tababbarro baahan oo Akadeemiyadu ay ku tayaynayso adeegsiga toolmoon ee afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.