Wafdi ka socda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa  23-11-2020, waxa ay booqasho rasmi ah ku tageen xarunta Taliska Ciidammada Cirka Soomaaliya (Afisyooni) ee magaalada Muqdisho.

Wafdigaas  oo uu horkacayay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa ka jawaabayay codsi uga yimid Xafiiska Taliska Ciidanka Cirka Dowladda Soomaaliya, ujeeddadiisuna ay ahayd sidii loo bilaabi lahaa mashruuc lagu tayaynayo aqoonta ciidanka iyo kor u qaadidda waxbarashadooda.

Taliyaha Ciidanka Cirka Sarreeye Guuto Maxamuud Sh. Cali (Dable-baylod) ayaa ku soo dhaweeyay wafdigaan xarunta Afisyooni oo ah halka looga arimiyo ciidankaas, asaga oo isbarasho ka dib, xog dheeraad ah ka bixiyay taariikhda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, heerarkii ay ku soo shaqeeyeen, burburkii kaddib iyo baahdida ay u qabaan in la xoojiyo tayaynta aqoonta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ay weheliyaan Agaasimayaasha waaxaha Tababbarka iyo Waxbarashada iyo Agaasinka Waaxda Tiknoolajiyadda ayaa sheegay in AGA ay CCS gacan ka siin doonto sidii loo tayayn lahaa aqoonta Ciidanka Cirka.

Guddoomiye Afrax iyo howlwadeenna Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa booqday goobaha wax lagu baro ciidanka cirka Soomaaliyeed, ayaga oo kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee ay haystaan.

Tan iyo burburkii ma jirin hay’ad dowladeed oo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed gacan ka siisa dhinaca waxbaras hada, waxaana ammaan mudan Akadeemiyada AGA oo balanqaaday buuxinta baahidaasi, iyada oo tababbarradaan ku aadan dhanka waxbarashada ciidanka ku soo beegtay xilliyadii loogu baahi badnaa.
WD: Qalbitaajir