Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  ayaa si kalgacal leh ugu hambalyeysay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed  oo maalintii shalay aheyd  u dabaal-degay 20-guuraddii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Golahaas.

War Saxaafaddeed ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Akadeemiyada Aga ee magaalada Muqdisho ayaa lagu caddeeyay inay Aga ku faraxsan tahay  dhalashada Golaha Abwaannada  oo haatan 20-sanno jirsadey, dhinaca kale waxaa War-saxaafadeedkaas loogu rajeeyay Golaha Abwaannada inuu sannadkaan kiisa kale uu ku gaaro horumar balaaran.

“Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo Golaha Abawaannada Soomaaliyeed waa mataano wada dhashay, waxaana ka dhaxeeya xiriir wada shaqeyn oo ku dhisan sidii la isaga kaashan lahaa daryeelka iyo horumarinta afka Soomaaliga iyo Hal-abuurkiisa” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedkaas ka soo baxay xarunta Aga.

20-sanno ka hor  ayaa Golaha Abaawaannada Soomaaliyeed lagu unkay magaalada Muqdisho, Golahaan ayaa ka mid ah Hay’adaha waddaniga ah ee isu xil saarey  Wacyigalinta iyo ugu adeega bulshadooda,  waxaana abwaanada lagu tilmaamaa inay yihiin Indhihii, Dhegehii  iyo Astaantii Horumarka iyo Nabadda Soomaaliyeed.