Tababbar-Xirfadeed aad u qiimo badan, looguna tala-galay barashada Qoraal-Curinta Toolmoon, ayna ka faa’iidaysanayaan 40-xubnood oo ka tirsan dhallinyarada hibada u leh akhriska, qoraalka iyo hal-abuurka ayaa maanta ka furmay Hotel Royal Palace ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo si rasmi ah u furay tababbarkaas ayaa sheegay tababbarkaan inuu bilow u yahay tababbaro taxane ah oo loo qabanayo Seddex dufcaddood oo ka tirsan Naadiyada akhriska iyo qoraalka, waxaana uu caddeeyay in tabarbbarkaan lagu qaadan doono casharo waxbarsho oo qiima badan.
“Maalmaha uu socda tababbarkaan waxaa jiri doono layliyo la isu diri doono iyo qiimeyn lagu sameyn doono ka qeyb-galayaasha tababbarka, haddaan nahay Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxaa naga go’an joogtaynta tababbarada waxtarka leh ee ceynkaan oo kale ah” ayuu yiri Dr. Afrax oo munasabaddaas uga mahadnaqay Naadiga akhriska iyo qoraalka ee Banaadir oo nasiib u helay inuu noqdo Dufcaddii Koowaad ee tababbarkaasi la siiyo.
Tababbarkaan oo ah mid uu heerkiisu aad u sareeyo ayaa muddada uu socdo waxaa lagu qaadan doonaa duruus ay ka mid yihiin Astaamaynta Qoraalka, Adeegsiga Ereyada, Jaadadka Qoraalka, Rukunada Qoraal Qurxinta, Gorfaynta Toolmoon iyo casharo kale oo aad u xiiso badan.
Duruustaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxaa bixinayay macallimiinta kala ah Prof. Maxamed Daahir Afrax, Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus iyo Al-ustaad C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan (Gacanka).
Tababbaradaan oo soconayo muddo bil ah ayaa loogu tala galay inay ka qeyb qaataan 120 xubnood oo ka mid ah Naadiyada akhriska iyo qoraalka, sidoo kale waxaa ka faa’iidaysan doono bahda jecel qoraalka iyo hal-abuurka, waxaana gaba-gabdiisa lagu bixin doonaa Shahaadooyin iyo Abaal marino kale.
![]()













