Xaflad aad qurux badan oo lagu maamuusayay xuska 100-guuradii ka soo wareegtay halgankii Daraawiishta, ayna soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), oo kaashnayasa naadiga Somali PEN, Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo xarunta Aw-jamaca Cumar Ciise ayaa 21/1/2020 waxaa lagu qabtay xarunta Dugsiga Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo.

Munaasabaddaasi oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin kala duwan ayaa  hadal uu halkaasi ka soo jeediyay aqoonayahan Burhaan Axmed Daahir oo ka tirsan  hawl-wadeenka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo xubnaha firfircoon ee Somali PEN ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay AGA soo qaban-qaabiso madal lagu wadaagayo halganki Daraawiishta, waxaana uu caddeeyay in halgankaasi uu ku saleysnaa sidii loo heli lahaa madaxbannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, isla markaana loo ilaalin lahaa dinta, dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed.

Burhaan Axmed Daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay magaalada Gaalakcyo inay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto magaalooyinka Soomaaliyeed ee xuskaasi uu ka dhacayo,  isaga oo dhanka kale u mahad celiyay Hay’addihii isu xilsaarey qabashada xuskaasi.

 Madaxdii ka socotay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, naadiga Somali PEN, xarunta Aw-jaamac Cumar Ciise ee magaalada Gaalkacyo iyo maamulka Dugsiga Cumar Samatar oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan qabashada xuskaasi, iyaga oo soo jeediyay in la joogteeyo xusaska ceynakaan oo kale ah.

Qaar ka mid ahaa ka qeyb-galayaashii madashaasi ayaa sheegay inay wax badan ka kororsadeen taariikhdA iyo halgankii Daraawiishta, iyaga oo mahad celiyay qeybhihii isku soo duway munaasabaddaasi, iyada oo dhinaca kale madashaasi lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ay dhallinyaradu aad u danaynayeen.

Magaalooyin badan oo Soomaaliya iyo dibadda ku yaalo ayaa lagu kala qabtay xafladdo lagu xusayay 100-guurada halgankii Darawiishta.