Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  ayaa maanta oo ku beegan 17-December 2018-ka waxa ay tababbar ku saabsan Qoraal-Curinta Toolmoon u furtay Dufcaddii Seddexaad ee loo qabto tababbarkaas.

Tababbarkaas oo loogu tala galay inuu socdo muddo laba maalin ah ayaa waxa ka faa’iidaysan doono 40- xubnood oo ka kala socda Naadiga akhristayaasha Xamar, Xarunta Ifiye, Naadiga Maskax-shiil iyo dhallinyaro kale oo danaysa akhriska iyo qoraalka.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  Dr. Maxamed Daahir Afrax  oo ka hadlayay  munaasabaddii furitaanka tababbarkaas ayaa sheegay  inuu si diirran u soo dhaweynayo dhallinyarada ka qeyb qaadanaysa tababbarkaas, waxaana uu tibaaxay inuu da’ yartaas ku bogaadinayo sida ay isugu  soo xil-qaameen  ka qeyb-qaadashada tababbarkaas.

Dr. Afrax oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuuxsadey  hadafka  Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga inuu yahay sii kobcinta aqoonta dhallinyarada hibada u leh  akhriska & qoraalka, waxaana uu hoosta ka xariiqay Aga inay ka go’an tahay daryeelka iyo horumarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Munaasabaddaas waxaa iyaguna ka hadlay Madaxa Tababbarada Aga Al-ustaad C/llaahi Shiikh Cabdi (Gacanka), Guddoomiyaha Akhristayaasha Xamar Sacdiyo Muxyadiin Axmed (Midnimo) iyo Cabdi-wahaab Axmed Cali oo ku hadlayay magaca Xarunta Ifiye, kuwaasi oo ka hadlay sida ay ugu faraxsan yihiin ka qeyb qaadashada tababbarkaas.

Tababbarkaas oo  ah mid uu heerkiisu aad u sareeyo ayaa maalmaha  uu socdo waxaa lagu qaadan doonaa duruus ay ka mid yihiin  Astaamaynta Qoraalka, Adeegsiga Ereyada,  Jaadadka Qoraalka, Rukunada Qoraal Qurxinta, Gorfaynta Toolmoon, Fanka Sheeko Curinta  iyo casharo kale oo aad u xiiso badan.

Duruustaas qiimaha badan ayaa si talan-taali ah  waxaa u bixin doono  macallimiinta kala ah Prof. Maxamed Daahir Afrax,  Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus iyo Al-ustaad C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan (Gacanka).

Dufcadda 3-aad ee tababbarka uu maanta u bilowday ayaa qeyb ka ah 120 xubnood oo loogu tala galay in lagu tababbaro Qoraal-Curinta Toolmoon, kuwaas oo  gaba-gabada tababbaradaan  la guddoonsiin  doono  Shahaadooyin iyo Abaal marino kale.