Akdeemiye- Gobaleedka AfSoomaaliga  AGA oo u taagan daryeelka illaalinta, hiilka iyo horumarinta afka Soomaaliga ayaa munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay Maalinta Afka Hooyo ee  21 Febraayo 2019 waxa ay  ku qabtay xarunta KMG ah Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Wakiilka Akadeemiyada AGA  ee Koonfur-Galbeed Dr. Maxamed Cali Kalaay oo  si qurux badan u soo qaban-qaabiyay munaasabaddaasi ayaa si faah-faahsan  uga hadlay  muhiimada ay leedahay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, isaga oo  guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 21 Febraayo  ee ku asteysan Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

Dr. Maxamed Cali Kalaay oo hadalkiisa sii wata ayaa iftiimiyay taariikhda iyo sida ay ku timid Maalinta  Afka Hooyo, waxaana uu caddeeyay  in  hal-ku-dhigga sannadkan uu yahay  afka hooyo waa furaha dib-u-heshiisiinta bulshada, isaga oo ka soo qeyb galayaashii xafladdaasi  kula dar-daarmay hiilka afka Soomaaliga

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Ururka Suxufiyiinta NUSOJ ahna Gudoomiyaha ururka Suxifiyiinta Koonfur galbeed SOWEJA Muxyadiin Xusni  oo xafladdaasi  ka Hadley ayaa sheegey  Warbaahintu inay door weyn ka  qaadan karto  horumarinta Afla hooyo iyo sidii looga illaalin lahaa  inuu ku milmo Luqadaha Ajanabiga ah oo afka  Ingiriiska ugu badan yahay.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Baay Aaden Shaati ,  Xoghayaha Ururada Bulshada SOSWENSA  Cali Cabdullaahi Cali iyo Marwo Luul Isaaq Aaden oo xubin ka ah Ururka Xuquuqda Haweenka K/Galbeed  ayaa si diirran u  soo dhaweeyay dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedka Aga ugu jirto daryeelka afka Soomaaliga, waxayna  si gaar ah  uga hadleen sida loogu baahan yahay in loo horumarin karo  lahjadda  Mayga  maadaama uu afka Soomaaliga uu yahay Maay iyo Maxaa-tiri

Munaasabaddaasi oo ku dhamaatey jawi aad u wanaagsan waxaa  goob joog  ka ahaa masuulyiin ay ka mid ahaayeen   Guddoomiyaha Jaamacadda Koofurta Soomaaliya  Cabdirisaaq Xaaji Xuseen,   Abwaan Muxsin Qaasim Qaalib (Jaakole) iyo marti sharaf kale oo aad u badan.