Kulankaas oo heer sare ahaa, hormuudna uu ka ahaa Guddoomiyaha AGA, Dr. Maxamed Daahir Afrax, ka sokow ardayda iyo macallimiinta Jaamacadda, waxaa goobjoog ka ahaa, hadallana ka jeediyey madax sare oo ka tirsan Dawladda degaanka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Agaasinka Waxbarashada, Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada, Maareeyaha guud ee Mac-hadka Diraasaadka AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, aqoonyahanno iyo abwaanno marti ah iyo marti-sharaf kale.
Ka dib kalmado furitaan iyo hordhac ah oo ay jeediyeen madaxda kor ku xusan, waxaa la gudagalay muxaadaraddii kulanka saldhigga u ahayd oo uu soo bandhigay Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga. Hal-ku-dhegga Muxaadaraddu wuxuu ahaa ‘Dhaqanka Soomaalida iyo Hal-abuurkiisa: Mugdi-ka-saarka Eraybixinta’. Muxaaraddaas oo si weyn looga faai’deystey.
Dr. Afrax wuxuu si cilmi ah ugu iftiimiyey qiimaha ay leeyhihiin iyo sida ay isugu xiranyihiin aqoonta, dhaqanka, afka iyo hal-abuurka fan iyo suugaaneed. Wuxuu kaloo sharraxaad ka bixiyey eray-bixinta la xiriidha arrimahaas, taas oo dad badan mugdi kaga jirtey.
Qaybaha kale ee kulan-aqooneedka waxaa ka mid ahaa suugaan isugu jirtey maansooyin iyo riwaayada gaaban oo ay soo badhigeen ardayda Jaamacaddu.