Bandhiggii dhaqanka ee Jaamacadda caalamiga ah ee SIU oo socday intii u dhaxaysay 11-12 Sebtember 2018-ka ayaa maanta si qurux badan loogu soo gaba-gabeeyay xarunta Jaamacaddaasi ee magaalada Muqdisho.
Bandhiggaasi oo lahaa xiiso gaar ah ayaa ardayda wax ka barata kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddaasi waxay ku loolamayeen soo bandhiggida dhinacyada Dhaqanka, Afka iyo Xirfadaha ay caanka ku tahay Soomaalida, waxaana labadii maalin ee uu socday u soo daawasho tagayay Boqollaal ka mid ah ardayda Jaamacaddaas iyo marti sharaf aad u badan.
Madaxa Tababbaradda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Md, C/llaahi Sh. Cabdi Aadan (Gacanka) oo si rasmi ah loogu casuumay tartankaasi ayaa qeyb ka ahaa Guddi Garsoorayaal ah oo loo soo xulay inay dhex-dhexaadiyaan barnaamijkaasi oo qiimo gaar ah u lahaa ardayda wax ka dhigata Jaamacaddaasi.
Md, C/llaahi Gacanka oo gaba-gabadii tartankaasi kadib u warramayay Degalka (Website) Aga ayaa sheeggay inay tartankaasi si caddaalad ah u maamuleen Guddigii loo xilsaaray, waxaana uu caddeeyay in sidii loogu talagalay uu ku soo idlaaday.
Loolankaasi oo ahaa mid xamaasad badan ayaa dhinaca Natiijada waxaa kaalinta Koowaad ku guuleystay Kulliyadda Caafimaadka, kaalinta Labaad waxaa galay Kulliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, halka kaalinta Seddexaad ay soo istaagtay Kulliyadda Beeraha.
Tartankaasi oo sannadkiiba hal mar la qabto ayaa ujeeddadiisu waxay tahay sidii loo kobcin lahaa garaadka dhallinyarada Soomaaliyeed oo intooda badan aan waxba kala socon inay ummaddoodu leedahay Hiddo iyo Dhaqan Wanaagsan oo lagu faani karo.















