Agaasimaha waaxda waxbarashada ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Ustaad Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba) ayaa 24/10/2023, wuxuu booqasho indha-indhayn ah ku tagay qaar ka mid ah dugsiyada sare ee G/Banaadir, isaga oo ardayda dugsiyadaas kula dardaarmay inay ka qeyb qaataan hiilka iyo xoojinta afka Soomaaliga.
Ustaad Jubba ayaa intii uu booqanayay dugsiyaadaas, waxa uu mid mid u galay fasallada ay dhigtaan ardaydaas, gaar ahaan kuwa dhigta fasalka 12-aad ee dugsiga sare, waxaana uu fasal kasta ku boorriyay xoojinta afkeenna hooyo, isagoo dhanka kale ardaydaasi siinayay tallooyin ku saabsan dhanka waxbarashada.
Agaasimaha ayaa dugsiyada uu booqday waxaa ka mid ahaa xarunta 1aad ee dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Nagayle (Nagayle Primary and Secondary School), iyada oo kormeerkaasi ay ku wehlinayeen qaar ka mid ah maamulka dugsigaas