Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dawladda Federaalka Soomaaliya Md, C/llaahi Xayir Ducaale ayaa 23/8/2022, waxa uu soo booqday maktabadda Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga {AGA} ee magaalada Muqdisho.

Md, C/llaahi Xayir oo ay la socdeen xubno ka tirsan madaxda wasaaradda Warfaafinta ayaa soo indha-indheeyay qeybaha ay ka kooban tahay maktabadaasi, waxaan uu sheegay in uu ku faraxsan yahay sida qurux badan ee loo diyaariyay, isaga oo u soo jeediyay hawl-wadeennada AGA in ay dadaalkooda sii laba-jibaaraan.

Horey ayaa maktabadda Akadeemiye Goboleedka, waxaa u soo booqday Wasiirro, Xildhibaanno, Safiirro, Duqa Muqdisho iyo madax ka tirsan dawlad-goboleedyada dalka Soomaaliya.