Tababbar xirfadeed ku saaabsanaa Qoraal-curinta Toolmoon, ayna qabashadiisa iska kaashadeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga “AGA” iyo Madasha Maan-kulan ayaa  11-kii Febraayo 2019  waxaa lagu qabtay Xarunta Maan-kulan ee  Maktabadda magaalada Kismaanyo.

Tababbarkaas oo ahaa mid aad u xiiso badan  ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad isugu jiray Qorayaal soo koraya, macallimiin iyo ardayda  wax ka barta Jaamacaddaha.

Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Md, Xirsi oo madasha joogey ayaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Dr. Afrax.

Guddoomiyaha AGA, Dr. Maxamed Daahir Afrax, ayaa xubnihii ka qeyb-galayay tababbarkaas waxa uu halkaas ku siiyay tababbar ka mid ah taxanaha tababbar-xirfadeedyada Qoraal-curinta Toolmoon ee ay AGA ka waddo qaybo kala duwan oo ka mid ah dalka iyo Geeska Afrika.

Casharka ka dib, ayay ka qayb-galayaashu waxay Prof. Afrax  su’aalo  ka weydiiyeen arimo  la xiriiro qoraalka iyo guud ahaan hal-abuurka, Prof. Afrax ayaa su’aalahaasi si  waafi ah uga jawaabay, waxaana uu sheegay in hadafka Akadeemiye-Goboleedka uu yahay sidii loo heli lahaa qalinlay qoraal dhaxal reeba qorta, isaga oo kula dar-daarmay qalinlaydii goobtaasi  joogtay inay ogaadaan in “Qoraalku uu yahay masuuliyad”.

Gaba-gabadii tababbarkaas kadib ayaa halkaas waxay Akadeemiye-Goboleedka AGA ku guddoonsiisay ka qeyb galayaashii tababbarkaas  nuqullo ka mid ah Buugga Haldoor iyo warsidaha AGA.

 Guddoomiyaha Maan-kulan, ayaa uga dambayntii u mahad celiyay Akadeemiye-Goboleedka, waxaana uu ka mahadnaqay tababbarka ay siiyeen ardayda iyo hadiyaddii la guddoonsiiyay.