Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa Afartan xubnood oo ka kala socday Naadiyada Xamar, Maskax-shiil iyo Xarunta Ifiye waxa ay tababbar ku saabsanaa Qoraal-Curinta Toolmoon ugu soo gaba-gabaysay Hotel Royal Palace ee magaalada Muqdisho

Tababbarkaas oo  socday muddo laba maalin ah ayaa macallimiin waxaa ka ahaa ruug caddayaal ka mid ah Akadeemiyada Aga, waxaana  dhallinyarada halkaas lagu barayay casharo ay ka mid ahaayeen Astaamaynta Qoraalka, Adeegsiga Ereyada, Jaadadka Qoraalka, Rukunada Qoraal Qurxinta, Silsilada Gorfaynta, Fanka sheeko curinta iyo casharo kale oo aad u xiiso badan.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  Prof. Maxamed Daahir Afrax oo si rasmi ah u soo xeray tababbarkaasi ayaa sheegay inuu dhallinyaradaas ku bogaadinayo sida quruxda badan oo ay uga qeyb-qaateen tababbarkaas, waxaana uu caddeeyay in ay sii ambaqaadi doonaan tababbaradaas, isagoo ka qeyb- galayaashaas kula dar-daarmay aqoontii la siiyay inay ku dabaqaan qoraalkooda.

Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo ku hadlayay magaca macallimiintii tababbarkaas bixinaysay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hannaanka fiican ee ay ardaydaasi uga faa’iidesteen casharadii la siinayay, waxaana uu ku guubaabiyay inay mar walba isku dayaan sidii ay u hagaajin lahaayeen qoraalkooda.

Xoghayaha Naadiga akhristayaasha Xamar Bahjo C/llaahi Salaad oo matalaysay ka qeyb galayasha tababbarkaas ayaa sheegtay inay halkaas wax badan ka kororsadeen, waxaana ay codsatay in la joogteeyo saminaarada noocaan oo kale ah.

Tababbaradaan oo soo taxnaa muddo laba Bil ah ayaa waxaa ka faa’iidaystay 120 xubnood oo loo kala qeybiyay Seddex Dufcaddood, waxaana xubin walba oo ka qeyb-gashay tababbarkaasi loogu tala galay in la siiyo Shahaado muujinaysa waxa uu bartay.