Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo hay’adda PDRC ayaa saaka oo ku beegneyd 17/8/2021, waxa ay magaalada Garoowe ku kala saxiixdeen heshiis iskaashi iyo wadashaqayn oo dhex mara labadaas xarumood.

Akadeemiyada AGA iyo PDRC ayaa ku heshiiyey in ay noqdaan bahwadaag, iyaga oo isku af gartay  in ay iska kaashadaan sida heshiiska ku qoran dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin:- arrimaha AfSoomaaliga iyo hal-abuurkiisa, fan iyo suugaaneed, cilmibaarista, tababbarrada, aqoon-faafinta  iyo guud ahaan horumarinta bulshada dhinac kastaba, iyadoo laga faa’iideysanayo lana daryeelayo afka hooyo iyo dhaqanka ummadda.

Heshiiskaas laba geesood ah ayaa dhanka  AGA waxaa u saxiixay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax, halka uu PDRC u saxiixay madaxa hay’addaas.

Horey ayay Akadeemiye-Goboleedka heshiisyo kala duwan ula gashay hay’addo iyo xarumo dhawr ah, kuwaasi oo loogu tala-galay in lagu sii hormariyo hawlaha ay qabato akadeemiyada AGA.