17/8/2023, waxaa hoolka xafladaha ee shirkadda warbaahinta ee Astaan TV lagu so bandhigay seddex ka mid ah buugaagta uu qorey aqoonyahan Dr. Maxamed Xasan Nuur.
Munasabaddii bandhigga buugaagtaasi oo si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuulyiin kala duwan, bahda jaamacadaha, qorayaal iyo marti sharaf aad u fara badan.
Qoraaga buugaagta kala ah: Barreey iyo Bilaal, Bahalhiglo iyo Faraxumeyntii Farxiya Dr. Maxamed Xasan Nuur oo ugu horreyntii xafladaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay nuxurka iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin buugaagtaasi, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay bulshada wax badan ka faa’iidaysan doonto.
Qaar ka mid ah madaxdii ka soo qeybgashay munaasabadaasi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay buugaataasi uu qorey Dr. Maxamed Xasan, iyaga oo qoraha ugu mahadnaqay soo saarsita buugaagtaasi.















