Munaasabad lagu daah-furayay sidii dugsiyada dadweynaha ee magaalada Minneapolis looga dhigi lahaa afka Soomaaliga, ayna ka soo qeyb galeen madaxda waaxda waxbarashada ee magaalada Minneapolis, macallimiin, waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa 8/8/2021, waxaa lagu qabtay xarunta waaxda waxbarashada ee magaaladaasi.

Madaxa waaxda luuqadaha ee iskuulada daweynaha ee Minneapolis Muxyadiin Warfaa oo ugu horeyntii ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dugsiyada magaaladaasi lagu soo kordhiyo sidii luuqadda afka Soomaaliga wax loogu baran lahaa, waxaana uu tilmaamay in ay arintaasi tahay guul u soo hoyatay mushtamaca Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi.

Siyaad Cali oo ka mid ah maamulka waxbarashada Minneapolis ayaa sheegay in ay dadaal badan u soo galeen sidii luuqadda afka Soomaaliga looga dari lahaa luuqadaha waxbarashada ee magaaladaasi, waxaana uu caddeeyay in uu soo dhaweynayo in caruurta Soomaaliyeed la baro afkooda hooyo, isaga oo u rajeeyay barnaamijkaasi in uu sii socdo.

Deeqa Muxyadiin oo ka tirsan macallimiinta Maraykanka ayaa sheegtay in ay si tartiib tartiib ah ay ardayda u bari doonaan afkooda hooyo, waxayna iftimisay in ay ka bilaabi doonaan ereyada yar-yarka ah, iyada oo xustay in ay kor u sii qaadi doonaan ilaa uu ardaygu ka gaaro in uu afkiisa hooyo wax ku akhrin karo, waxna ku qori karo.

 Luuqadda afka Soomaaliga ayaa noqonaysa tan 12-aad ee laga dhigi doono dugsiyada Minneapolis, waxaana uu afka Soomaaliga ka yahay magaaladaasi midka 3-aad ee looga hadlo, waxaana ka horeeya oo kaliya afafka Englishka iyo Isbaanishka.

Xigasho: BBC