Micnaha weyn ee ay xambaarsan yihiin magacyada Soomaaliyeed ee dhaladka ah, waxa aad dhab u dareemeysaa markaad dheehatid, dhuuxdid oo aad u dhugatid ujeeddadii ku qotantay magac-bixinta Soomaalidii hore, kolkaas ayay kuu soo baxaysaa in magac-bixintu aheyd mid ku saleysan u fiirsasho sal iyo raad muuqda ku leh afka soomaaliga, hiddaha iyo dhaqanka guud ee bulshada.
Waxaad ogaaneysaa in magac marka la bixinaayo tashi badan la gelin jiray oo dad waayo arag ah magacyadu ay bixin jireen, taasina badanaa ay ka dhalan jirtay in magaca iyo qofka loo baxshay ay si dhab ah isku yeeshaan, waana sababta ay ku timid oraahda Soomaaliyeed ee ah “Qof iyo magacii isu eg”.
Taariikh ahaan magacyada Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo xikmad ku fadhiya oo micno qoto dheer ka tarjumaya, waxaase kuwii hore ee muunadda lahaa xilliyadii danbe baddalay kuwo sinji dhaan ah oo laga soo ergaday dhaqamo qalaad,
Dagaaladii sokeeye markii ay ka curteen gayiga Soomaaliyeed, dad badan ayaa naftooda qurbaha ula cararay, oo in ku dhaw Soddon sanno dalal shisheeye ku noolaa, xilligan markii xooggaa neecaawda nabadda la helay qaar ka mid ah dadkaa ayaa wadankii dib ugu soo noqday ayagoo wata dhaqanka waddamadii ay ka yimaadeyn, kuwaas oo iskugu yeeraya magacyo aan muuno iyo milgo ay leeyihiin toona ay jirin.
Tusaale ahaan Waxaad arkaysaa caruur ilma adeerro ama ilmo eeddo ah oo isugu yeeraya magacyo ka turjumaya halkii ay ka yimaadeyn kuwaas oo aysan ka dhaxeyn wax is faham ah, markaas ayaad dhab ahaan qireysa feylasuufnimada Abwaan Xaaji Aadan Axmed (Afqalooc), kaa soo xaaladdaas ka maansooday nus Qarni sanno ka hor:-
Afar qofoo wallaalo ah haddii ruuxba beled aado
Mid waliba akhlaaq gooniyuu kala imaadaaye
Arrinna kuma heshiiyaane way kala irdhoobaane
Mid waliba adaa toosan bay ula ekaataaye
Sidaasay barkood u eg yihiin inamadeenniiye.
Soomaalidii hore magaca is kama aysan bixin jirin ee siyaalo kala duwan oo ay ujeeddo ku qotonto ayay ku bixin jireyn kuna saleysan afka, hiddaha iyo dhaqankooda suuban, magacyada ay bixinayaan waxa ay ahaayeen kuwo muujinaya xilli dhalasho, ama odorasaya saadaal wacan ayada oo loo cir-eegayo, ama sifeeya muuqaalka ilmaha, waxaa iyana mar dhici jirtay in ilmaha loogu magac darro oo lagu samiyo qof wanaag looga bartay ayadoo wanaaggaa laga shinsanayo, haddaan tusaale kooban ka soo qaadanno magacyada Soomaaliyeed iyo siyaalihii loo bixin jiray waxaa ka mid ah:
Magacyo Saadaal ah oo Duco iyo Ammaan isugu jira waxaana ka mid ah: Samatar, Saxarla’, Saluugla’, Suuban, Sagal, Ayaan, Sammow, Sammaale, Sammawada, Samatalis, Sharma’arke, Dhiblaawe, Fiido, Fiidow, Cawo, Ayaanle, Hoodo, Nasiib, Nasteexo, Narruuro, Geelle, Gallad, Fariid, Farax, Farxiya, Warsame, Libin, Cumar, Waceys, Warsame, Cawrala’, Qalanjo, Hira, Milgo, Abyan, Ebyan, Barni, Ladan, Anfac, Diiriye, Qumman, Muslimo, Marwo, Doombiro, Baxsan, Billan, Suleekha IWM.
Magacyo ku saleysan aminta uu dhashay ama xaaladda lagu jiray markuu dhalanayay ilmuhu, waxaana ka mid ah: Jimcaale, Bariise, Hiraabe, Galab, Fiido , Fiidow1 ,Keynaan, Waadhawr, Axado, Isniino, Jumco, Gu’dhalad, Gabeyre, Rooble, Colaad, Geeddi, Diraac IWM. Magacyo muujinaya Midab, caleen, ubax iyo geed sida : Sugulle, Ashkir, Migil, Bootaan, Beyle, Bullaale, Caddow, Qaaje, Garas, Timiro, Ubax, Cosob, Reys, Cosobo, Magool IWM.
Magacyo Diineed: Magacyadani waa kuwo asalkoodu ka soo jeeda diinta Islaamka waxaana ka mid ah magacyada nabiyadii, dadkii wan-wanaagsanaa iyo magacyo muujinaya u jajabnaan xagga Eebbe weyne, magacyadaas diimeed waxaan ku doodi karnaa inay u rogmeyn oo ay yihiin magacyo Soomaali dhalad ah, waxaa magacyadaa ka mid ah Cabdullaahi, Cabduraxmaan, Maxamed, Axmed, Xaamud, Maxamuud, Aadam/n, Nuux, Muuse, Ciise, Ibraahin/m, Daa’uud, Ayuub, Huud, Sakariye, Khadar, Luqmaan, Xaawa/o, Maryan/m, Abuukar, Cumar, Cusmaan, Cali, Faadumo, Caasho IWM.
Magac-bixinta habboon waxay gacan ka geysataa aayaha danbe ee qofka, arinkaa waxaa caddeeyay aqoonyahannada Cilmi-nafsiga waxayna sheegeyn haddii ilmuhu ku faraxsanyihiin magacyadooda in ay kalsooni ku qabayaan naftooda, waana halka ay Soomaalidu ka tiraahdo “Magac xun qof liitaa leh, magac fiicanna halyey baa leh”.
Haddaba gundhiggu wuxuu yahay in waalid kasta oo Soomaaliyeed ay la gudboon tahay inuusan ku degdegin magac-bixinta caruurtiisa balse uu ka sii baaraandago waqti baddanna ku bixiyo magac dhaqameed micno leh oo ujeeddo xanbaarsan, qurxoon, dhawaaq wanaagsan, aad u dheereyn kuna habboon xilliga markaas la joogo, magac intaas soo buuxinayana waxaa laga heli karaa kaliya magacyada Soomaaliyeed.
Waxaa Diyaariyay:-
Madaxa Horumarinta Xarunta IFIYE
Sakariye Cali Gureey
TIXRAAC:-
Anwar Maxamed Diiriye, Magacyada Soomaalida iyo Caqabadaha ku Xeeran.
Wardheernews, 2010.













