Admiral Faarx Axmed Cumar (Faarax Qare) oo ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed ayaa 18/3/2023, waxaa qaar ka mid ah buugaagtiisa uu ku wareejiyay maktabadda Akademiye Gooleedka Af Soomaaliga (AGA).

Munaasabad kooban oo lagu maamuusayay wareejinta kutubtaasi, ayna ka soo qeybgaeen madaxda Akademiyada ayaa lagu qabtay gudaha makatabadda AG.

Guddoomiyaha Akademiyada iyo Ku-xigeenkiisa Prof. Cabdalla Cumar Mansuur iyo Avv. Maryan Cariif Qaasin ayaa Admiral Faarax Qare ka guddoomay buugaataasi,  waxaana ay ku wareejiyeen maamulka maktabadda Akademiyada.

Hadal kooban oo uu munaasabdaasi ka soo jeediyay Admiral Faarax Qare ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in qaar ka mid buugaagtiisa laga helo maktabadda Akademiyada, waxaana uu caddeeyay inuu maamulka Akademiyada uga mahadnaqayo dhismaha maktabaddaasi qiimaha badan.

Guddoomiyaha AGA iyo Ku-xigeenkiisa Prof. Cabadlla & Avv. Maryan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan buugaagtaasi uu soo gaarsiiyay makatabadda Akademiyada Admiral Faarax Qare, iyaga oo xusay in buugaagtaasi  cilmi badan laga kororsan doono.