Macallin Saciid Saalax Axmed oo ka mid ah maqaawiirta Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa habeenkii xalay ahaa oo ku beegneyd 31-ka Luulyo waxa uu kulan dadweyne oo uu kaga hadlayay silsiladdii Siinleyda Soomaalida uu ku qabtay xarunta dhaqanka ee magaalada Hargaysa.
Abwaan Saciid Saalax ayaa si cilmiyaysan uga sheekeeyeey qaabkii ay ku dhalatey silsiladdii Siinleyda, waxaana uu ku dheeraaday ka hadalka qaar ka mid ahaa maansooyinkii saldhigga u ahaa silsiladdaasi ee la isku cel-celiyay, isaga oo halkaasi ka mariyay qaar ka mid ahaa maansadii Siinlaydaas.
“Waxaan qirayaa in Siinleydu ay aheyd silsilad taariikhda gashay oo tayo badan, Siinleydu xilligii ay soo baxday waxay xiiso cusub u sii yeeshay heerkii uu marayay fanka Soomaaliyeed, waxaan marnaba illoobi Karin kaftan suugaaneedkii ay Siinleyda ku wadaagi jireen abwaanadii ka qeyb qaatey, Siinleydu waxay laheyd murti iyo dhadhan macno badan xambaarsan” ayuu yiri Macallin Saciid saalax oo bogaadiyay odayaashii ka qeyb qaatey silsiladdaas.
Macallin Saciid Saalax oo haatan ku nool wadanka Maraykanka ayaa dhawaan soo gaarey magaalada Hargaysa, waxaana uu halakaasi kaga qeyb galay Carwadii buuggaagta ee dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay magaaladaas.















