Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 5/11/2018 waxa ay Tababbar-Xirafadeed ku saabsan Qoraal-Curinta Toolmoon u furtay 40- xubnood oo ka tirsan Naadiga akhriska iyo qoraalka ee Hillin-hayaan.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboledka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad qiimo badan ka soo jeediyay furitaankii tababbarkaas ayaa si cilmiyaysan uga hadlay dadaalka ay Akadeemiyada Aga ugu jirto hiilka afka hooyo iyo gacasiinta bahda hibada u leh qoraalka & hal-abuurka, isagoo intaasi ku darey inay Aga ka go’an tahay soo dhaweynta, tixgalinta, tababbar-siinta iyo taageerida dhallinyarada danaynaysa akhriska iyo qoraalka.
“Tababbarka aan maanta idiin furnayno waxa uu qeyb ka yahay tababbaro taxane ah oo Akdeemiyadu u qabanayso Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka,waxaana loogu tala galay inay tababbaradaan ka faa’iideystaan 120 xubnood, iyada oo gaba-gabada tababbaradaan la bixin doono shahaadooyin caddeynaya waxa aad barateen”ayuu yiri Dr. Afrax oo sheegay qabashada tababbaradaan inay Akadeemiyada ugu gol-leedahay sidii qalinleyda da’ yarta looga dhisi lahaa dhinaca adeegsiga saxda ah ee afka Soomaaliga iyo dhanka Qoraal-Curinta Toolmoon.
Munaasabaddii furitaanka tababbarkaas waxaa isna ka hadlay Guddoomiyaha Naadiga Hillin-hayaan al-ustaad c/qaadir Cabdi Axmed {Jubba} oo sheegay inuu ku faraxsan yahay tababbarkaan ay naadigiisa u qabatey Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana carrabka ku dhuftay inuu ka mahad-naqayo sida ay Aga mar walba ugu taagan tahay hiilka afka hooyo iyo gacan siinta Naadiyada qaabilsan Akhriska iyo Qoraalka, isaga oo soo jeediyay in la joogteeyo tababbarda ceynkaan oo kale ah.
Ardayda uu maanta tababbarka u furmay oo ah Dufcaddii Labaad ayaa halkaasi waxay ku qaadan doonaan casharo ay ka mid yihiin Astaamaynta Qoraalka, Adeegsiga Ereyada, Jaadadka Qoraalka, Rukunada Qoraal Qurxinta, Silsilada Gorfaynta, Fanka Sheeko Curinta iyo casharo kale oo aad u xiiso badan.
Duruustaasi oo aad loo soo diyaariyay ayaa waxaa bixin doono macallimiinta kala ah Prof. Maxamed Daahir Afrax, Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus iyo Al-ustaad C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan (Gacanka).
Dhawaan ayaa dufcaddii koowaad ee la siiyo tababbarkaan waxaa loogu soo gaba-gabeeyay Hotel Royal Palace ee magaalada Muqdisho.
![]()













