Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa maanta oo ku beegan 1/11/2018 waxa uu tababbar socday muddo laba maalin ah uu u soo xeray 40 xubnood oo ka mid ah dhallinyaro lagu tababbarayay habka Qoraal-Curinta Toolmoon.
Munaasabaddii xritaaanka tababbarkaas ayaa hadal uu halkaas ka soo jeediyay Guddoomiyaha Aga Dr. Maxamed Daahir Afrax waxa uu si qoto dheer uga hadlay qiimaha ay leeyihiin tababbarada ceynkaan oo kale ah, waxaana uu carrabka ku dhuftay ujeeddada laga leeyahay tababbaradaan inay tahay sidii kor loogu soo qaadi lahaa aqoonta ay da’yarta Soomaaliyeed u leeyihiin dhanka Qoraal-Curinta Toolmoon, isagoo hoosta ka xariiqay in Aga ay sii wadi doonto tababbaradaas.
“Waxaan idin-kula dar-daarmayaa aqoontii aad halkaan ka qaadateen inaad ku dabaqdaan qoraaladiina, waxaana idiin soo jeedinayaa casharadii aad barateen in aad gaarsiisaan dhallinyarada kale ee aan helin fursadaan oo kale” ayuu yiri Dr. Afrax oo ku guubaabiyay dhalinyaradaas inay hiil u noqdaan afkooda hooyo.
Guddoomiyaha Aga waxaa ka hor halkaasi ka hadlay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Xersi Dhuux Maxamed, Barre Sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo ku hadlayay magaca macallimiintii tababbarkaas, Dayax Axmed Maxamed oo matalaysay Waaxda Tababbarada Akadeemiyada Aga iyo Guddoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir Qadar Cabdi C/llaahi, kuwaas oo dhamaantood ka hadlay faa’iidada ay dhallinyarada u leeyihiin tababbarada ceynkaan oo kale ah, iyagoo goobtaas uga mahadnaqay Guddoomiyaha Aga oo ah horseedaha hiilka afka hooyo.
Tababbarkaan oo ahaa mid uu heerkiisu aad u sareeyo ayaa maalmihii uu socday waxaa lagu bartay duruus ay ka mid ahaayeen Astaamaynta Qoraalka, Adeegsiga Ereyada, Jaaddadka Qoraalka, Rukunada Qoraal Qurxinta, Silsilada Gorfaynta, Fanka Sheeko Curinta iyo casharo kale oo aad u xiiso badanaa
Dufacdda maanta tababbarka loo xeray oo aheyd Dufcaddii koowaad ayaa waxaa xigi doono Dufcaddo kale oo iyaguna la bari doono Qoraal-Curinta Toolmoon, qorshuhuna waxa uu yahay inay tababbaradaan gaaraan 120 ka mid ah dhallinyarada danaysa akhriska iyo qoraalka.
![]()













