Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa guddoonsiisay naadiyada Akhriska iyo Qoraalka nuqulo ka mid ah buugga Haldoor ee ka hadlayo taariikh nololeedka iyo dhaxal cilmiyeedkii Guddoomiyihii Guddigii qoraalka farta Soomaaliyeed Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali.
Barre sare Mustafa C/llaahi Feyruuus oo ka mid ah madaxda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo hadal kooban ka soo jeediyay munaasabaddii buuggaasi lagu bixinayay ayaa sheegay inay Aga ku faraxsan tahay inay naadiyadda Hillin-hayaan, Banaadir & Xamar ay ku wareejiso nuqulo ka mid ah buugga Haldoor, isagoo dhinaca kale ka sheekeeyay qiimaha uu leeyahay buuggaasi.
Guddoomiyaasha naadiyadda Hillin-hayaan iyo Banaadir Al-ustaad C/qaadir Jubba iyo Md, Qadar Cabdi C/llaahi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa caddeeyay inay soo dhaweynayaan buuggaasi la guddoonsiiyay, iyagoo Akadeemiyada uga mahad-naqay sida ay isaga xil saartay soo saarista buuggaasi.
Munaasabadii bixinta buuggaasi waxaa goob joog ka ahaa madaxa Tababbarada Akadeemiyada Al-ustaad C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan (Gacanka), madaxa Teknaloojiyada Caaqil Axmed Faarax iyo Xoghaynta Guud ee Aga Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad).
Buugga Haldoor ayaa qeyb waxa uu ka yahay Taxanaha Darsida Afka iyo Suugaanta Soomaalida, waana buuggii labaad oo ay soo saarto Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.















