Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta Boqol nuqul oo ka mid ah buugga Haldoor waxay guddoonsiisay Marwadii uu ka geeriyooday Guddoomiyihii Guddigii qoraalka farta Soomaaliga Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali.
Munaasabad kooban oo lagu maamuusayay bixinta buuggaagtaasi ayna ka soo qeyb galeen madax ka kala socotay Akadeemiyada Aga iyo ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay madaxa Waxbarashada iyo Munaasbaddaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Al-ustaad Cabdi-naasir Yuusuf Macalin ayaa sheegay inay Aga ku faraxsan tahay buuggaagtaasi ay ku wareejinayso marwadii uu ka tagey Danjire Shariif Saalax, waxaana uu caddeeyay nuqulada la guddoonsiiyay marwadaasi ee ka mid ah buugga haldoor inay bulshadu wax badan ka faa’iideysan doonto.
Marwo Caasho Cabdi Diini oo iyaduna madashaasi ka hadashay ayaa soo dhaweysay buuggaagtaasi la guddoonsiisay, waxayna u mahadnaqday Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo daabacday buuggaasi haldoor ee ka hadlayo Taariikh Nololeedka iyo Dhaxal Cilmiyeedkii Shariif Saalax Maxamed Cali.
Munaasabadaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa Xoghaynta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad) iyo xubno kale oo ka kala socday Aga iyo ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed.
















