Masuuliyiin ka mid ah madaxda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb gashay munaasabad lagu maamusayay  bandhigga  buugga Xikmadda Nolosha oo ka mid ah buuggaagta qiimaha badan ee dhawaan la soo saarey.

Madal si qurux badan loo soo agaasimay looguna  wan-qalay Madasha Qoraaga iyo Buuggiisa ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo, madashaasi oo si weyn loo xiisaynayay ayaa waxaa ka soo qeyb madaxa ka mid ah Akadeemiyada Aga, aqoonyahanno, siyaasiyiin, arday iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Madaxa Waxbarashada & Munaasabadaha ee Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ahna qoraaga buuggiisa lagu soo bandhigayay madashaasi Al-ustaad Cabdinaasir Yuusuf Macallin ayaa si faah-faahsan uga  hadlay cutubyada uu buugga ka kooban yahay, baahida keentay qoraalkiisa, muddadii ay ku qaadatey soo saaristiisa, sida loo soo  xulay magaca uu sito buugga iyo faa’iidooyinka laga dhaxlay soo saaristiisii kadib.

Wakiilka Laanta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee K/Galbeed ahna  Guddoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Prof. Maxamed Cali Kalaay oo ka mid ahaa  qaban-qaabiyaashii madashaasi iyo qaar ka mid ah aqoonyahannadii ka soo qayb-galay bandhiggaasi  ayaa sheegay in buugga Xikmadda Nolosha uu yahay  mid xambaarsan maclumaad aad loo jeclaysan karo, iyagoo qoraaga uga mahad-celiyay sida uu isaga xilsaaray soo saaristiisa.

Buugga Xikmadda Nolosha ayaa horey waxaa loogu soo bandhigay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in magaalooyin kalana lagu soo bandhigo.